Daawo qaybaha ugu xiiso badan ee warbixinta Maxaan u khilaafay Xukuumada Dowlad deegaanka iyo Mustafe…
Qaybtan waxaan ku bilaabaynaa dhacdooyin kooban oo cadaymo u ah xaqdarada ay dowladu ku kacdo ee aan la arkin cid ka garowday ama isku dayday in ay toosiso ama saxdo.
Taliyihii Mustafe ku soo dhoweeyay Jigjiga Maxamed Cabdi Mawsar oo lagu xasuusto qaabkii wanaagsanaa ee uu Mustafe dowlada salka ula dhigo, sow nasiib darro maaha ninkaas markii xilka laga qaaday beerta iska samaystay maxaa keenay in Gafaydhe uu deegaanka uga eryay mawsar, arrintani waxay kamid ahayd waxyaabihii kalifay inaan ka hor imaado xukuumada dowlada deegaanka Soomaalida.
Dhanka kale, waa qoys reer dig ah, askarigu waa Nuur toori, markuu Gafaydhe noqday taliyaha ciidanka deegaanka waxaa kamid ahaa shaqsiyaadkii loo awood sheegtay Gafaydhe oo si cad u xidhay si la xidhiidha awood sheegasho oo kaliya.
Mida kale, dhacdada kale waa dhacdo qoys reer gurdumi ah lagu sameeyay, waa wiil suuxdin leh iyo midkii kale oo askari ah, midkii askariga ahaa ka tagay ciidankii maleeshiyaadka, oo xoog u noqday reerkii oo dhan.
Qoyskaas waxaa qasab ciidan lagaga dhigay wiilkii caafimaadka qabay, kadibna wiilkii suuxdinta lahaa oo geelii la jooga ayaa geela ku dhex geeriyooday kadib markuu cidlo ku suuxay, maxaa looga baahnaa reerkaas in heerkaas la gaadhsiiyo?
Hoos ka daawo muuqaalka koobaad
Hadaba, dhacdooyinka aan ka sheekeeyay waxaa ka badan inta dhacdo ee aan hayo ee cidna aysan Waxba iska waydiinin, taas oo aan ogahay in ay deegaanka meelo badan oo kamid ah dhibaato badan ku dhex jiraan oo arrimahan la xidhiidha.
Hoos ka akhriso muuqaalka labaad
![]()

Leave a Reply