Daawo xogta ku saabsan safarka Trump ee Shiinaha +Arrimaha soo baxaya hada

Daawo xogta ku saabsan safarka Trump ee Shiinaha +Arrimaha soo baxaya hada…

Waxaa booqasho rasmi ah oo in mudo ah la sugayay dalka Shiinaha ku tagay Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, iyadoo la sheegay in safarkaasi uu inta badan ku saabsan yahay ganacsiga iyo sidii ay Maraykanka iyo shiinuhu isaga kaashani lahaayeen sidii marinka Hormuz u ahaani lahaa mid furan oo si nabad ah ay ku maraan gaadiidka shidaalka wada ee caalamka u kala goosha.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa waxaa safarka ku weheliya ganacsato maraykan ah, iyadoo la filayo in labada madaxwayne ay ka wada hadli doonaan sidii loo soo celini lahaa ganacsigii labada dal ee caadiga ahaa.

 

Ganacsiga Maraykanka iyo shiinaha ayaa wiiqmay kadib markii uu madaxwyane Trump canshuuro dheeraad ah ku soo rogay dalal badan oo shiinuhu kamid yahay alaabaha ka imaanaya, iyadoo taasi ay hoos u dhac 25% ah ku keentay alaabihii laga soo dhoofini jiray dalka Shiinaha ee maraykanka la keeni jiray, waxaana kamid ah qalabka muhiimka ah ee la keeni jiray Maraykanka, macdanta laga sameeyo telefoonada casriga ah iyo gawaadhida.

Dhanka kale, qalabka laga sameeyo chip ka qalabka ciidanka caalamku ku shaqeeyo oo shiinuhu uu inta badan hayo ama ehel u yahay oo dhankiisa ay soo mareen. Xog hayaha maraykanka Rubio ayaa sheegay in aan loo baahnayn in maraykanku shiinaha kala hadlo arrimaha dagaalka Iran, iyadoo taasi ceeb ku noqonaysa Maraykanka, iyadoo la ogyahay in dalka Pakistan uu gacanta ku hayo dhex dhexaadinta labada dal ee Iran iyo Maraykanka iyadoo ay jiraan kulamo hordhac ah oo dhex maray dhinacyada oo ka dhacay caasimada Dalka Pakistan ee islamabad.

Hoos ka daawo muuqaalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*