Wax badan ka ogow Arrimaha woqooyiga Itoobiya + Dowlada Federalka oo…Read More

Wax badan ka ogow Arrimaha woqooyiga Itoobiya + Dowlada Federalka oo…Read More

 

Waxaa gobolka Tigray Madaxwayne loo doortay madaxwaynihii hore ee dowlad deegaanka Tigray Debresion Gebramichael oo mar duurka galay isla markaasna ay hogaamiyihii dowlada Federalka itoobiya la galay dagaalka khadhaakh sanado kooban ka hor.

Ninkan, oo madaxwaynenimada ka sakow ah xubin kamid ah xisbiga Tplf ayaa doonaya in uu shacanka Tigray isagu hogaan buuxa u noqdo, iyadoo dhowaan gole dhamays tiran ay doorteen maamulka gobolkaasi Tigray.

Dowlada Federalka ah, ayaa horay u aqbashay go’aan maamulka Tigray ay ku soo eryeen isla markaana xilka kaga xayuubiyeen Getachu Reda oo hada ah la taliyaha Ra’iisulwasaaraha itoobiya ee dhanka arrimaha geeska Africa.

Dowlada Federalka ayaa la rabay markii la soo eryay Getachu Reda in ay qaadacdo go’aankaasi, maadaamo arrinkaasi uu ahaa mid lagu tijaabinayay dowlada dhexe iyo sida ay uga fal celin doonto arrinkaasi.

 

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federalka Itoobiya iyo maamulka cusub ee gobolka Tigray ayaa isha lagu hayni doonaa sida ay isula fal galaan ama nooca wada jaan qaad ee dhex mari doona, iyadoo arrintaasi ay go’aamin doonto jigada siyaasadeed ee cusub ee wadanku u jihaysanayo.

Ciidamada Militariga itoobiya ayaa bilihii u danbeeyay lagu daabulayay deegaanada Tigray, iyadoo taliyaha guud ee ciidanada Qaranta itoobiya uu sheegay in ciidanka qaranka ee Ethiopian Defence Forces ay diyaar garow sare galeen. Arrinka muhiimka ah ayaa wuxuu yahay in sharciga dalka la ilaaliyo oo ay ilaaliyaan guud ahaan dowlad goboleedyada Federalka ku midaysani, iyadoon cidna si madax banaan isaga keensan karin masuuliyiin aysan dowlada Federalku aqbalin, si looga baaqsado kala danbayn la’aan iyo burbur ku yimaada dalka. Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in hawada magaalada Maqale lagu arkayay diyaaradaha dagaalka ee ciidanka qaranka itoobiya oo joog hoose ku socday.

Doorashada ka dhacday deegaanka Tigray ayaa lagu qiimayni doonaa hadba sida ay u aqoonsato haayada doorashooyinka ee dalka itoobiya, taas oo hadii ay aqbasho natiijada ka dhigaysa mid sharci ah, balse hadii gudiga doorashada itoobiya ay diidaan, waxaa markaa loo baahan doonaa in doorasho cusub laga qabto dowlad deegaanka Tigray, taas oo hadii la isku fahmi waayo keeni karta in markaa khilaafku uu sii xoogaysto. Ugu danbayn, waxaa kale oo la filayaa in dowlada Federalku ay qiimayni doonto shacabka dowlad deegaanka Tigray iyo sida ay u arkaan doorashadan cusub ee ka dhacday dowlad deegaanka Tigray.

Hoos ka daawo muuqaalka

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*