Wax badan ka ogow shaydaanka uu sheegay Madaxwaynaha Dowlad deegaanku…+Muuqaal xiiso badan

Wax badan ka ogow shaydaanka uu sheegay Madaxwaynaha Dowlad deegaanku…+Muuqaal xiiso badan

Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe muxumed Cumar oo ka hadlayay meel fagaare ah oo lagu soo ban dhigayay buug ay qortay gabadh jirta in ka yar 20 sano, ayaa sheegay in dadka diidan in kuwii hore lala xisaabtamo uu hayo shaydaan isla xisaabtanka neceb, balse hadii hadalkaas la darso, Dowlada Deegaanka hada ka arrimisa sow mustafe madaxwayne kama aha maxaa sababay 8 sano oo calaa cal iyo ciil tirsasho ah, sow ma haboonayn in ama karti ay dad kula xisaabtamaan la yimaadaan ama Wixii kale ee umada danteedu ku iirto in ay sameeyaan ma haboobayn, maxaa keenay calaacalka 8 sano aan kala joogsiga lahayn.

Dhanka kale, 8 sano oo maamulka hada joogaa xilka hayay, wali ma jiraan haayado madax banaan oo si rasmi ah baadhitaan iyo tiro koob ugu sameeyay arrimaha tacadiyadii ka dhacay dowlada deegaanka Soomaalida, iyadoo taasi ay tahay fashil wayn oo xukuumada dul hoganaya, ayaa hadana wali la arkayaa xukuumadii umadu ay mustaqbal wanaagsan ka sugaysay oo wali iyada lafteedu ah midda ciilan ee raga ugu sareeyaa ay wali wax tabanayaan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*