Wararka saaka aan ka helayno bariga dhexe ayaa sheegaya in saaka subaxdii hore ay maraykanka iyo xulufadiisu dalka Iran u direen ilaa boqol diyaaradood kuwa dagaalka ah, kuwaas oo la sheegay in ay bartilmaameedsan doonaan xarumaha muhiimka ah ee Iran, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in goobaha ilaa hada diyaaradahaasi ay duqeeyeen ay kamid yihiin goobaha dhulka hoostiisa ah diyaarado ku kaydsanaa iyo waliba goobo kale oo ay ku diyaarsanaayeen drone ka aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya.
Dhanka kale, warar hada soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka dhanka internet ka ah ee loo yaqaano cyber attackes ku ay bilowdeen iyadoo arrintaasi ay tahay nooca ugu halista badan ee dagaalka, sababtuna ay tahay warbaahinta, sida webseite yada iyo warbaahinta kale ee cyber attacks lala eegtay ay noqon karaan kuwo jiho wareer ka dhiga xaalada oo dhan.
Dhanka kale, Maraykanka iyo dalalka khaliijka ayaa soo saaray waraaq wada jir ah oo ay ku sheegeen in Iran ay joojiso duqaymaha ka dhanka ah dalalka xorta ah ee gobolka ku yaala, iyadoo sida warqadaas lagu xusay gantaalahaasi ay wax yeelo u gaysteen dadka shacabka ah ee dalalka gobolka ku nool.
Waxaa iyaduna hada duqaymo loo gaystay dalka Lebnon, gaar ahaan caasimada beirut, halkaas oo ay sidoo kale kooxda loo yaqaano xisbulah weerar rogaan celin ah ku qaadeen israel, iyadoo uu hada halkaas dagaal ka soco.
Hoos ka akhriso waraaqda ay wadajirka u soo saareen dalalkani.


Leave a Reply