Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida mustafe muxumed Cumar ayaa waraysi uu dhawaan waraysi uu bixiyay ka hadlay dadka Youtube, tiktok iyo facebook muuqaalada ku soo duuba isagoo kuwa ehelkoodu xidhanyahay iyo kuwa soo hadlayaba u hanjabay, sheegayna in kuwa muuqaalada duubaya ee qoysaskoodu dhibka ka tabanayaan dowlad deegaanka dhibaato ay isaga iyo xukuudamiisu ku sii kordhin doonaan, halka uu sheegay in kuwa qurbaha ka soo hadlayana ay mustaqbalka la xidhiidhi doonaan si loo soo xidh xidho youtuber rada iyo dadka media ha ka soo hadla.
Hadaba, mustafe oo dhamaan dunidu xasuusato siduu dhibane ugu ahaa xukuumadii hore, cidna isma lahayn in uu maanta shacabka dowlad deegaanka qaar kamid ah deegaanka ku dulmi doono isla markaasna uu qaraabadooda qurbaha ka soo cabanaysa hanjabaad u diri doono.
Arrintan ayaa noqotay mucjiso aad loola yaabo, iyadoo laga dheehan karo bani aadamka iyo ilowsho dhowidiisa.
Dhanka kale, madaxwaynaha ayaa waraysigiisa laga dheehanayay in uu cadho kula dul dhacay xukuumadii hore sidii caadada u ahayd, iyadoo shacabka dowlad deegaanku ay iswaydiinayaan in sababta uu mustafe wali xukuumadii hore u hadal hayaa tahay inuu ku qariyo fashilka maamulkiisa fadhiidka ah ee fursadaha dahabiga ah deegaanka ka khasaariyay.
Hoos ka daawo muuqaalka.

Leave a Reply