Daawo Ciidamada Cirka Kenya oo toos u duqaynaya Alshabaab+Khasaaraha gaadhay kooxdaasi

Sida ku cad muuqaalka hoose Ciidamada dalka Kenya ayaa maanta galinkii danbe duqaymo ku asqeeyay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab kadib markay weerar naf la caarinimo ah ku soo qaadeen magaalada kudhaa oo 95 km u jirta caasimada ku meel gaadhka ah ee Jubbaland ee Kismaayo.

Kooxdan oo weerarkooda ku bilaabay qaraxyo iyo ismiidaamin ayaa la sheegay in ilaa 20 kooxda ah halkaasi lagu khaarajiyay halka wali ay jiraan qayb kooxdan kamid ah oo ku go’doonsan magalaada Kudhaa.

Gurmad Ciidmada Jubbaland oo badan ayaa soo gaadhay magaalada kudhaa iyadoo la filayo in bari si buuxda loo soo afjari doono hadhaaga kooxda soo weerartay magaalada kudhaa.

Hoos ka daawo muuqaalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*