By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use.
Accept
  • +254 722 249810
  • info@jigjiganews.com
  • Get in touch
Jigjiga News
  • Home
  • News
  • Wararka
  • Arrimaha bulshada
  • Technology
  • Entertainment
  • Articles
  • Places
  • Videos
  • Products
Reading: Wax badan ka ogow fursadaha iyo caqabadaha Musharixiinta ugu tunka wayn Woqooyi Bari Somalia…Read More
Share
Jigjiga NewsJigjiga News
Font ResizerAa
Search
  • Home
  • News
  • Wararka
  • Arrimaha bulshada
  • Technology
  • Entertainment
  • Articles
  • Places
  • Videos
  • Products
Follow US
  • Advertise
© 2025 Bangi Tales. All Rights Reserved.
Jigjiga News > Blog > Wararka > Wax badan ka ogow fursadaha iyo caqabadaha Musharixiinta ugu tunka wayn Woqooyi Bari Somalia…Read More
Wararka

Wax badan ka ogow fursadaha iyo caqabadaha Musharixiinta ugu tunka wayn Woqooyi Bari Somalia…Read More

Jigjiga News
Last updated: August 29, 2025 8:10 pm
Jigjiga News
Share
5 Min Read
SHARE

Wax badan ka ogow fursadaha iyo caqabadaha Musharixiinta ugu tunka wayn Woqooyi Bari Somalia…

Musharixiinta ugu tunka wayn maamulka cusub ee Woqooyi Bari Somalia oo bari la qaban doono doorashadiisa ayaa waxaa ugu cad cad madaxwaynaha Hada talada haya ee Cabdiqaadir Firdhiye, Jamaal iyo cabdirisaaq Khalif.

Contents
Wax badan ka ogow fursadaha iyo caqabadaha Musharixiinta ugu tunka wayn Woqooyi Bari Somalia…Firdhiye muxuu shacabka reer woqooyi bari ku soo kordhin karaa?Jamaal maxaa lagu xulan karaa oo ay reer woqooyi Bari ugu xilan karaan?Cabdirisaaq khalif maxaa loogu xilan karaa?Dowlada Federalka Somalia siday u aragtaa maamulka woqooyi bari Somalia?

Firdhiye muxuu shacabka reer woqooyi bari ku soo kordhin karaa?

Cabdiqaadir Firdhiye, waa madaxwaynaha hada talada haya, wuxuuna ahaa masuul xilka qabtay shacabkaboo dagaal iyo colaado ku furanyihiin, in badan oo shacabka deegaanka ahina waxay wali u hayaan kalsooni ka dhalatay dhiiranaantii uu ku wajahay hogaaminta maamulka Woqooyi bari, wakhti ay colaado jireen.

Dhanka kale, Madaxwayne Firdhiye ayaa xidhiidh wanaagsan la leh doqlada Federalka Somalia, halka laga yaabo in hadii Jamaal uu xilka ku guulaysto in xukuumada hada xilka haysaa ay ka dhex aragto maamulkii hore ee Nabad iyo Nolol, maadaamo uu Mudane Jamaal kamid ahaa xisbigaas, taasina waxay keenaysaa in goleyaasha maamulku ka durkaan xifaaltan dhakhso ku bilowda maamulka wakhti maamulkani uu yahay maamul curdan ah oo cusub.

Jamaal maxaa lagu xulan karaa oo ay reer woqooyi Bari ugu xilan karaan?

Mudane Jamaal oo kamid ah musharixiinta ugu muga iyo miisaanka culus reer woqooyi Bari Somalia, ayaa si fudud u keeni kara dekada laas qoray iyo tolkii oo wakhtigan u qaybsan Puntland iyo woqooyi bari, isagoo ku qancin kara in uu madaxwyane yahay isla markaasna arrinkaasi uu sahli karo in durba dekada laas qoray ay noqoto xarunta labaad ee maamulka cusub.

Dhanka kale, Jamaal ayaa ah aqoonyahan xidhiidh la leh haayado iyo dowlado ka tirsan beesha caalamka, taas oo u sahli karta in uu durba maamulka Khaatumo ku soo xidho haayadaha caalamka iyo dalal garab ka siiya reer woqooyi bari arrimaha dib u dhiska deegaanka iyo curinta dhaqaale maamulka cusub uu ku hoigsado isku filaansho. Isku soo wada duub oo Mudane Jamaal waa masuul aqoonyahan ah oo aad waayo arag u ah Isla markaasna keeni kara dowladnimo rasmi ah oo ka hirgasha Maamulka cusub ee la dhisayo hadii uu garab ka helo dowlada Federalka Somalia.

Cabdirisaaq khalif maxaa loogu xilan karaa?

Musharax Cabdirisaaq ayaa kamid ah raga miisaanka culus ku leh diiwaanka musharixiinta wakhtigan u hanqal taagaya hanashada xilka maamulka cusub, cabdirisaaq ayaa marka dhinacyo badan laga eego ah, siyaasi aqoon dheeraad ah u leh maamulada dariska la ah maamulka cusub ee haatan la yagleelayo, taas oo u sahli karta in uu si fudud xal nabadgalyo uga keeno maamulada dariska la ah maamulkiisa, gaar ahaan Maamulka  Puntland oo woxogaa tabasho ah soo gudbinayay bilihii u danbeeyay, cabdirisaaqna uu ahaa ninka kaliya sida ugu haboon isaga dhisay dhanka wanaajinta hadalada uu u jeediyay Puntland tan iyo intii Puntland ay soo bandhigtay cabashooyinka ay qabto ee la xidhiidha xuduudaha maamulka cusub.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa bari isha aad loogu hayni doonaa musharaxa ay reer woqooyi bari u xilan doonaan, iyadoo sidoo kale la tijaabin doono qaan gaadhnimada musharixiinta xilka waayi doona iyo sida ay ugu dhiiradaan in ay aqbalaan natiijada soo bixi doonta, taas oo noqon doonta mid diowaanka taariikhda si rasmi ah loogu daabici doono.

Dowlada Federalka Somalia siday u aragtaa maamulka woqooyi bari Somalia?

Dowlada Federalka Somalia, ayaa iyadu markasta faa’iido iyo taariikh wanaagsan iyo codad doorasho oo u soo kordhay u aragta maamulka cusub ee woqooyi Bari Somalia, iyadoo uuna shaki ku jirin in bilihii u danbeeyau madaxwayha Somalia iyo Ra’iisulwasaaraha Somalia in ay sumcad badan kaga heleen dhinacyo kala duwan, kadib markuu Ra’iisulwasaare Xamse booqasho ku tagay magalaada Laas Caanood ee xarunta u ah maamulka cusub.

Afeef: qoraalkani waa faalo kooban oo ku saabsan musharixiinta woqooyi bari Somalia, ma aha xog ama xaqiiqo laga soo xigtay dhinacyada lagu magacaabay qoraalkan, balse waa faalo u khaas ah qoraaga.

Nagala soo xidhiidh: info@jigjiganews.com

 

 

 

Please subscribe

You Might Also Like

Furitaanka Biyo xidheenka wayn ee itoobiya…Faalo kooban.

Deg deg: Cabdiqaadir Firdhiye oo ku guulaystay Madacwaynenimada Woqooyi Bari Somalia…Read More

Deg deg: Dhagayso Natiijada Doorashadii woqooyi Bari Somalia iyo Firdhiye oo…

Doorashada Woqooyi Bari Somalia oo bari dhici doonta iyo Ina Jabuutaawi oo laga reebay musharixiinta…Read More

DHAGAYSO: Hadal jeedintii Hamza Warfa ee Nairobi.

Delivering timely, reliable, and engaging content from the Horn of Africa and beyond. Stay updated with compelling stories, insightful perspectives, and real-time coverage that informs and inspires every day.

Sign Up For Daily Newsletter

Be keep up! Get the latest breaking news delivered straight to your inbox.
[mc4wp_form]
By signing up, you agree to our Terms of Use and acknowledge the data practices in our Privacy Policy. You may unsubscribe at any time.
Share This Article
Facebook Twitter Copy Link Print
Share
Previous Article Doorashada Woqooyi Bari Somalia oo bari dhici doonta iyo Ina Jabuutaawi oo laga reebay musharixiinta…Read More
Next Article Deg deg: Dhagayso Natiijada Doorashadii woqooyi Bari Somalia iyo Firdhiye oo…
Leave a comment Leave a comment

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest News

The inauguration of the Ethiopian Renaissance Dam and grand opening around the corner.. Read More
News August 29, 2025
Nin gobolka Texas ee dalka Maraykanka ku dilay laba nin oo sheegay in ay Boolis yihiin..Read More
Wararka August 25, 2025
DHAGAYSO: War saxaafadeedka shir Nairobi ka dhacay oo lagag cabanayo xukuumada DDS+Xog dheeraad ahg
Wararka August 25, 2025
Manchester United oo labadii kulan ee u horeeyay hal dhibic ah kaliya kala hoyatay+
Ciyaaraha Wararka August 25, 2025

Subscribe to Our Newsletter

[mc4wp_form id=2468]
Jigjiga News

Delivering timely, reliable, and engaging content from the Horn of Africa and beyond. Stay updated with compelling stories, insightful perspectives, and real-time coverage that informs and inspires every day.

  • +254 722 249810
  • info@jigjiganews.com

Quick Links

  • Editorial Policy
  • Contacts
  • Privacy Policy
© 2025 Jigjiga News. All Rights Reserved.
WhatsApp us
adbanner
pl
Our site is an advertising supported site. Please whitelist to support our site.
Okay, I'll Whitelist
Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?