Wax badan ka ogow Ciyaaryahanka caanka ah ee haweenay 9 sano la joogtay guursanay.
Laacibka kubada cagta ee caanka ah ee reer boortuqiis ayaa la sheegay in uu dhowaan guursanayo gabadh sagaalkii sano ee la soo dhaafay ay asaxaab ahaayeen, Gabadhan oo lagu magacaabo Georgine Rodrigues ayaa la xaqiijiyay in laacibkani si rasmi ah guur ugu soo bandhigay isla markaasna uu doonayo in uu gabadhan ka dhigto marwo.
Laacibkani wali si rasmi ah warbaahinta ugama shaacinin damiciisa la xidhiidha guurka uu u soo bandhigay Georgina, balse waxay ahaayeen asaxaab isu dhow mudo sagaal sano ah, iyagoo markii u horaysay ku kulmay magaalada madrid gaar ahaan dukaanka gucci, wakhtigii uu laacibkani u safan jiray naadiga Real Madrid.
Laacib Ronaldo ayaa hada wakhti xaadirkan u ciyaara naadiga Al-naser ee dalka boqortooyada sucuudi carabaiya, waana aabo dhalay shan caruur ah oo laba kamid ah ay u dhashay isla haweenaydan uu guurka u soo bandhigtay ee georgina. Warka guurkooda ayaa soo jiitay saaxiibada Ronaldo iyo Georgina, iyadoo laacibkan kamidka ah shaqsiyaadka dunida ugu caansan dhanka kubada cagta dhowaan naadiga alnaser ay u kordhisay qandaraaska uu ku sii joogi doono isla naadigan. Laacibkan ayaa sheegay in wali taariikhda ciyaaraha iyo kubada cagta ay yihiin kuwo aan dhamaystirmin oo wali ay kaalin uu taariikh dahabi ah ku samayni karaa u hadhay.
Liverpoon oo go’aan ka soo saartay mustaqbalka laacibka Federico Chiesa
Naadiga Liverpool ayaa gabi ahaanba iska diiday in ay iibiso laacibka caanka ah ee isla naadigaas u ciyaara ee Federico Chiesa inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga ee laacibiinta, go’aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay todobaadkii u danbeeyay jireen naadiyo si wayn u danaynayay iibsashada laacbkan sida lagu qoray wargeysa La Gazzetta dello Sport.
inkastoo uu furanyahay suuqa kala iibsiga ciyaartoygu, hadana naadiga liverpool ayaan wali si rasmi ah u fasixin in laacibkani uu gadmo ama ay iibsadeen naadiyada aadka u danaynaya sida naadiyada kala ah Inter Milan iyo Napoli.