Golaha fulinta dowlada degaanka soomalida ayaa kal faldhigooda 1aad 2018 ku ansixiyay maanta dib-uhabeeyay 4 bayaan oo mihiim u ah shaqaalaha haayadaha dowliga
1: bayaanka xafiiska maleeshiyada DDS: bayaankan ayaa si faah-faahsan u qeeexidoona dhamaan shaqooyinka xafiiska maleeshiyada dowlada degaanka somaalida, awooodaha xafiiska, madax xafiiseed illaa khabiir iyo shaqada ciidamada maleeshiyaada degaanka ay ka qabanayaan dhanka abniga goobaha ay ka howl galayaan iyo wajibaadka abni ee u gaarka ah maleeshiyada dowlada degaanka ee ay kaga duwan yihiin ciidanka gaarka iyo mulatariga dalka.
2:bayaanka iibka iyo maamulka hantida dawlada:- bayaankan ayaa wax wayn ka tari doona nidaamka iibka iyo habka loo marayo, cida soo ibinaysa hantida dawlada iyo sida loo maamulayo hantida dawlada degaanka. bayaankan ayaa wax wayn ka badali doona habka loo bixiyo qandaraasyada dawlaada waxayna keeni doontaa in si cadaalad ah oo qeexan loogu tartamo qandaraasyada hadii ay xukuumadu dhaqan galiso bayaankan
3:bayaanka maamulka shaqaalaha dawlada deegaanka somaalida:- bayaankan ayaa qeexaya habka loo marayo shaqaalaysiinta shaqaalaha dawlada, awoodaha shaqaalaha iyo shaqo qeexista iyo xuquuqaha shaqaalaha dawlada. Waxuuna wax wayn ka badali doonaa qaabka loo shaqaalaysiinayo iyadoo lagu salaynayo qofku booska uu ku haboonyahay iyadoo la raacayo bayaanka, wuxuuna siin doonaa muwaadiniinta fursad isku mid ah hadii ladhaqan galiyo bayaankan.
4: bayaanka wax kabadalka bayaankii dib loo habeeyay ee wax ka bayaaminta qaab-dhismeedka, awoodaha iyo waajibaadka hayadaha fulinta.
Xafiiska jigjiga: Khadar
Info@jigjiganews.com