War cusub: Lacagta daynta ah ee lagu leeyahay dalka Maraykanka oo ku dhowaanaysa 37 Trillion ….
Sida aan ka soo xiganay war baahinta daka Maraykanka laga leeyahay ee Foxnews, lacagaha amaahda ah ee lagu leeyahay dalka markaykanka ayaa la sheegayaa in ay gaadhi doonto 37 Trillion oo doolarka Maraykanka ah. Arrinkan ayaa ka dhigan in daymaha lagu leeyahay dalka Maraykanku ay gaadhay heerkii ugu sareeyay abid iyadoo madaxwaynaha maraykanka Donold J Trump uu marar badan sheegay in dhaqaalaha maraykanku sare u kacay.
Dalka maraykanka ee daynta lagu leeyahay ay gaadhay in ka badan 36 Trillion oo isla lacagta dalkaas maraykanka ah ayaa hadana ah dalka Dunida ugu dhaqaalaha iyo awooda badan, arrinkan dhaqaalaha maraykanka la xidhiidha ayaa muujinaya sida dalalka soo korayaa ay dhankooda ula daalaa dhacayaan dhaqaalo xumada dunida oo dhan saamaysay sanadihhii u danbeeyay.
Madaxwaynaha Dalka Maraykanku muxuu ka yidhi daroogada marajuana…?
Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in laga yaabo in daroogada loo yaqaano marajuana loo aqoonsan karo daroogo fudud isla markaasna xukunka lagu rido kuwa lagu helo daroogadan la khafiifin karo. Arrinkan ayuu madaxwaynuhu sheegay wakhti uu aqalka cad ee maraykanka kaga jawaabayay suaalo ay waydiinayeen wariyeyaal kala duwan oo warbaahin kala duwan oo dunida ah ka kala socday. Madaxwaynaha ayaa sheegay in wali aan go’aan rasmi ah laga gaadhin arrinkan, balse uu yahay arrin la filayo in todobaadyo gudohood go’aan lagaga soo saaro.
Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Bidan muxuu ka yidhi daroogadan?
Madaxwaynihii hore ee dalka Maraykanka Joe Biden ayaa intuu xilka hayay laamaha caafimaadka ku amray in ay baadhitaan buuxa ku sameeyaan awooda daroogo ee maadadan loo yaqaano marajuana ay leedahay, iyadoo ay laamaha caafimaadku warbixintoodii ku soo ururiyeen in ay daroogadani aysan sidaas u halis badnayn.
Maadadan canabis ayaa sii ahaan doonta maado daroogo ah oo federalka maraykanka mamnuuc ka ah, iyadoo sidoo kale aan la ogolaani doonin in si toos ah looga ganacsado, gobol kasta oo maraykanka ka tirsana uu isagu yeelan doono go’aanka kama danbaysta ah ee la xidhiidha ka ganacsiga maadadan daroogada ah.
Madaxwaynaha Ruushka iyo kan Maraykanka oo la filayo in ay ku kulmaan gobolka alaska ee Maraykanka…
sida la shaacinayay todobaadkii u danbeeyay, madaxwayneyaasha dalka Maraykanka iyo kan Ruushka ayaa kulan ku yeelan doona gobolka Alaska ee ka tirsan dalka Maraykanka oo horay Ruushku uga iibiyay dalkaasi Maraykanka. Wada hadalkan ayaa la sheegay in u jeedkiisu yahay sidii looga wada hadli lahaa qaabkii loo joojini lahaa dagaalka Ukraine, iyadoo madaxwayne Trump uu kulankan u arko mid fursad u ah in dalka Ukraine colaadaha ka socda lagu soo afmeeri karo.
Shirkan dhex mari doona Trump iyo Putin ayaan lagu casuumin madaxwaynaha dalka Ukraine, iyadoo dalka Maraykanka iyo quwadaha xulufada Nato ay marar kala duwan sameeyeen dadaalo ay ku raadinayaan sidii loo joojin lahaa colaada ka aloosan dalka Ukraine ee kala hexeeya dalka Ruushka.
jigjiganews.com kala soco wixii ka soo kordha warkan iyo dunida oo dhan.
info@jigjiganews.com