Ciidanka Booliiska ee dowlad goboleedkaSoomaaliyeed ee Puntland ayaa bilaabay baadhitaan balaadhan oo la xidhiidha dilkii xalay loogu gaystay marxuum Khadar Cabdi Yuusuf magaalada Garowe , oo ahaa darawal ku shaqaysta gaadiidka bajaajta loo yaqaano.
Xogo laga helay laamaha amaanka gaar ahaan taliska Booliiska puntland ayaa lagu sheegay in warbixinada hor dhaca ah ay muujinayaan in marxuumka ay dileen koox budhcad ah oo ku hubaysnayd tooray ama middi kuwaas oo ka baxsaday goobta markii ay falka dilka ay marxuumka ku fuliyeen.
Warbixinta Booliiska waxaa lagu sheegay laamaha amaanka ee Puntland ay ku guulaysteen soo qabashada dad lagu tuhmayo kiiska dilka ah.
Booliska Puntland ayaa wali ku gufo jira Baadhitaan rasmi ah, kaasoo laga soo saari doono faahfaahin rasmi ah iyo war murtiyeed kooban oo sugan, wakhti aan dheerayn.
Booliiska Punltand iyo laamaha amniga ee kale ee Puntland waxay sheegeen in si dagdag ah sharciga loo horkeenidoono cid kasta oo lagu helo in ay ku lug leedahay dilka marxuumka.
Dhinaca kale, qoyskii iyo qaraabadii marxuumka dilka loo gaystay ayaa diiday in la aaso marxuumka, iyagoo dalbaday in si dagdag ah loosoo qabto gacan ku dhiiglaha dilka gaystay.
Sanadihii ugu dambeeyay dhalinyaro badan oo shaqo la’aan uga tagay jigjiga iyo meelo oo kamid ah dhulka Dowlad deegaanka, ayaa ku qulqulayay magaalada Garowe iyo dagaano kale oo katirsan dowlad goboleedka Puntland, si ay uga raadsadaan fursado shaqo oo ay qoysaskooda ku maareeyaan.
Hadaba Shaqooyinka ugu badan ee dhalinyaradan ay qabtaaan ayaa ah, ka xaynta gaadiidka bajaajta oo aad looga isticmaalo magaalada Garowe. Haatan dadka ugu badan ee ka shaqaysta gaadiidka bajaajta waa dhalinyaradan dhanka dowlada deegaanka Soomaalida uga soo kicitimiya sidii ay u heli lahaayeen fursad shaqo oo ay baahiyohooda iyo kuwa qoysaskooda ku maareeyaan.
Xukuumada Dowlada goboleedka puntland iyo shacabkeeda, iyo kuwa doqlada deegaanka Soomaalida ayaa ah kuwo ehel ah oo Soomaali wada ah, isla markaasna uu dhexeeyo wanaag iyo xidhiidh wanaagsan, inkastoo ay jireen dhowr dhacdo oo ka dhacay Puntland bilihii u danbeeyay, hadana dhamaan fal danbiyeedyadan waxaa gaystay shaqsiyaad, mana aha wax beel ahaan loo abaabulay ama xukuumadu shaqo ku leedahay, sidaas darteed, dhacdooyin fal danbiyeed ah oo laamaha amniga Puntland ay markasta u taaganyihiin in ay yihiin ayaa lagu soo koobi karaa dhamaan dhacdooyinka fal danbiyeedka ah ee ka dhacay Garowe.
Jigjiganews.com
Info@jigjiganews.com