Sidii aan la wada soconay waxaa todobaadkan caasimada dalka ee Addis Ababa ka jiray shirar kala duwan iyo dad kala meeqaan duwan oo ku wada sugnaa caasimada dalka itoobiya ee Addis Ababa.
Dadka Addis Ababa ku sugnaa waxaa kamid ah odayaal dhaqameed cabasho ka ahaa isla dowladooda DDS hogaamiya. Si kastaba ha ahaatee cabasho iyo tabasho dunida lagama waayo, gaar ahaan markii dowlad iyo shacab ay kala cabanayaan.
Odayaashu miyay qaldanyihiin?
Inkastoo ay markasta wanaagsantahay in tabashada shacabka qaybihiisa kala duwani ay haboontahay in masuuyiinta dowlada deegaanka iyaga toos loogu geeyo xafiisyadooda, hadana mararka qaar hadii tabashada shacabka heer deegaan lagu xalin kari waayo, bulshadu waxay nafis iyo caawimaad u raadsanayaan doqlada federalka ah, si ay u helaan cid maqasha tabashadooda isla markaasna xalinta tabashada masuuliyad iska saarta.
Xukuumada dowlada deegaanka maxaa la gudboon?
Xukuumada dowlada deegaanku malaa’ig maaha, laamaha kala duwan iyo masuuliyiintuna khaladaad way gali karaan, balse markasta waxaa haboon in odayaashii tabasho qaba lala kulmo, cabashadooda la dhagaysto kadibna wada hadal iyo is afgarad lagu xaliyo wixii cabasho ah ee shacabka ka yimaada. Markasta cidda la maamulayo ee mudan in la dhagaysto cabashadoodu waa shacabka, iyadoo laga yaabo marar badan in cabashada shacabku xaq tahay oo ay wax ay tabayaan miiska gaynayaan, hadama mararka qaar way qaldanaan karaan, balse xataa hadii cabashada odayaashu qaldantahay oo sidaas laga soo qaado, hadana dowlada in ay dadkaas la kulanto oo dhagaysato oo xalinta tabashadaas qaldan ay qorshe u keento oo ay maarayso ayaa laga doonayaa.
Kola taagtaa kola tabartaa ma hadal saxan baa?
Sida la wada ogyahay, dowladnimadu waa isu dhimrin, isu tudhid iyo isu tanaasul joogto ah oo lagu ilaalinayo nidaam iyo kala danbayn, hadii ay noqoto in cid kastaa awoodeeda adeegsato waxkasta ayaa xumaanaya, sababtoo ah, cida rasmiga ah ee awooda markasta lihi waa shacabka oo mudan in loo dhimriyo, xataa hadii shacabku qaldanyahay.
Odayaasha dhaqanku maxay xaq u leeyihiin, maxaase xaq loogu leeyahay?
Odayaasha dhaqanku waa hormuudka bulshada, odayaasha dhaqanku waxay xaq u leeyihiin in la ixtiraamo, lana dhagaysto cabashadooda, wixii dhibayana la xaliyo, gaar ahaan wixii dan guud ah.
Odayaasha dhaqanka waxaa xaq loogu leeyahay in ay amniga deegaanka dhankooda ka ilaaliyaan, kana fogaadaan wixii shacabka deegaamka colaad ka dhex abuuri kara.
Odayaasha dhaqanku waxay xaq u leeyihiin in shacabkii soo doortay ay kaalmo dhaqaale oo ku filan ku kabaan, si ay uga maarmaan in baahidooda looga faa’iidaysto isla markaasna laga leexiyo qorshihii ahaa in ay markasta ilaaliyaan una taagnaadaan masaaliixda guud ee bulshada.
Odayaasha dhaqanku, xataa hadii ay cadhoodaan oo xukuumada ku kacaan, xaq waxay u leeyiniin in madaxtooyada dowlada deegaanka la geeyo, lagu maamuuso isla markaasna lagu dhagaysto waxay tabanayaan si wadajir ahna loo xaliyo wixii tabasho ah ee ay shacabku qabaan.
Odayaasha dhaqanku in ay dowlada taageeraan ma saxbaa?
Odayaasha dhaqanku in ay xukuumada taageeraan xaq ayay u leeyihiin, balse waa in ay taageeradoodu markasta noqotaa mid ku salaysan cadaalad iyo isu dheelitirka, hadii ay sidii kuwii markuu mustafe wax tabanayay ufuuf ku lahaa oo kale soo baxaan, halkaas waxaa laga fahmi karaa in kuwa noocaas ahi aysan haynin shaqadii looga baahnaa.
FG: Oday dhaqameed hadba cidii tabasho qabta ufuuf ku tidhaahdana oo muxaafid indho la’aan ah, looma baahna, sidoo kale kuwa mucaarad aan xigmad ku salaysnayna looma baahna, waa in la helo Hogaan dhaqan oo danta guud si cadaalad ah ugu taagan, xukuimada ku amaana ugana mahad celiya waxa ay saxdo, isla markaasna si cad farta ugu fiiqa wixii qaldan ee danta guud iyo mustaqbalka bulshada mugdi galin kara.
Odayaasha Addis Ababa joogaa ma mudanyihiin dib loogu noolyo deegaankii?
Odayaashu waxay meesha u yimaadeen waa tabasho, xukuumadaha dunidu waxay la heshiiyaan oo wada hadal la furaan kooxo hubaysan oo qori wata, isla markaasna dagaal kula jira xukuumada jirta, balse odayaashan hadii la yidhaahdo lala hadli maayo, taasi waxay muujinaysaa in xukuumadu aysan awoodin in ay buslahda sii matasho, sababtoo ah, jabhado qori wata oo dagaalamaya ayaa shalay Addis Ababa ka soo dagay markuu isbadalku dhacay, isla markaasna laka heshiiyay, wax diidayaa ma jiro in lala heshiiyo shaqsiyaadka ama kooxaha xukuumada ku dhacsan ee ama Addis jooga ama meelo kale jooga, si la isugu kaashado Nabad waarta iyo horumar sidii looga sii wadi lahaa dowlada deegaanka Soomaalida.
Xukuumada DDS shirka ay Addis ku qabatay muxuu ku saabsanaa?
Xukuumada dowlad deegaanka Soomaalidu meelkasta oo dalka kamid ah shacabkeeda way kula shiri kartaa, qurbahana way kula shiri kartaa, balse markasta waxaa munaasab ah hadii ay jirto koox tabasho qabta in isla shirka lagu casuumo, tabashadoodana halkaas lagu dhagaysto wixii la xalin karana la xaliyo, wixii xukuumada ka qarsoon ee ay sheegaana baadhitaan lagu sameeyo oo la xaliyo.
Xukuumadu meelkasta ayay kula shiri kartaa shacabka DDS ka soo jeeda, waana wanaag iyo ka shaqaynta ogaanshaha tabashada shacabka, laakiin waa in shirarkaasi aysan noqonin kuwo kooxo gaar ah oo bulshada kamid ah laga celiyo ama laga ilaaliyo, taas oo xukuumada ka dhigi karta mid aan awood u lahayn in ay bulshadeeda wada qanciso, badalkeedana ay kala qoqobto ama inta xukuumada taageersan kaliya loo aqoonsado shacabka xalaasha ah, taas oo meel ka dhac ku ah nidaamka dowliga ah.
Info@jigjiganews.com
Jigjiganews.com