Dalalka ku bohoobay midowga Nato ee ka kooban Yurub iyo Maraykanka ayaa caawa diyaaradaha dagaalka ee quwadahaasi si deg deg ah hawada sare loogu kiciyay, si hal haleel ah kadib markii uu dalka Ruushku duqaymo ka fuliyay meel u dhow dalka Romania oo isagu ka tirsan midowga isbahaysiga Nato. Sida wararku sheegayaan Arrinkan ayaa yimid kadib markii weeraro loo adeegsaday gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, hawada sare si deg deg ah loogu diray laba diyaaradood oo uu leeyahay dalka Germalku, u jeedka ayaa ahaa in ay digniin u diraan Ruushka iyadoo duqaymahan la sheegay in laga fuliyay xuduudka u dhexeeya dalalka Ukraine iyo Romania.
Labada diyaaradood ee hwada loo diray ayaa la sheegay in ay ahaayeen nooca loo yaqaano Eurofighter Typhoon, oo laga duuliyay madaarka quwadaha midoobay ee Nato ay ku leeyihiin dalka Romania ee Mihail Kogălniceanu Air Base oo midowga Nato ay ugu talo galeen kana fuliyaan ilaalooyinka dhanka hawada ah ee dalalka Nato, waxaase la xaqiijiyay in aysan jirin wax diyaarado ah ama hub ah uu u soo gudbay dhanka dalkan ka tirsan quwada Nato ee Romania.
Arrinkan ayaa imaanaya iyadoo todobaadan ay madaxwaynaha Ruushka Vladamir Putin iyo Madaxwaynaha Maraykanka Donald J Trump ay kulan saacado kooban qaatay oo aad loo sugayay ku wada qaateen gobolka Alaska ee dalka Maraykanka ka tirsan.
Arrinkan ayaa sidoo kale imaanaya iyadoo madaxwaynaha Ukraine Zelensky iyo madaxda dalalka Reer Yurub ay safar dheer u galeen dalka Maraykanka aqalka looga arrimiyo si wax la isaga waydiiyo suurtogalnimada in la joojiyo colaada dalka Ukraine oo sanado badan jirsatay hada.
Madaxda kala duwan ee 18 kii bishan aan ku jirno aqalka cad ee maraykanka iska xaadiriyay si ay qayb uga noqdaan waan waan iyo xal nabadeed oo laga gaadho colaada Ukraine waxaa kamid ahaa, President Donald Trump, madaxwaynaha dalka Urkaine Volodymyr Zelenskyy, Chancellor ga dalka Jarmalka Friedrich Merz, madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisulwasaaraha dalka boqortooyada ingiriiska Keir Starmer, Ra’iisulwasaaraha dalka Talyaaniga Giorgia Meloni 18, 2025. Madaxdan ayaa dhamaan dalka maraykanka u tagay in ay madaxwaynaha maraykanka kala hadlaan sidii Ruushka loogu cadaadin lahaa in colaadah Ukraine la joojiyo.
Dalka Ruushka ayaa u arka dagaalkani inuu yahay mid lagu xaqiijinayo jiritaanka dalka Ruushka sida marar kala duwan ay warbaahinta u sheegeen madaxda ruushku, waana sababta sii adkaynaysa wada hadalada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha ka taagan dalka Ukraine.
jigjiganews.com
info@jigjiganews.com