By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use.
Accept
  • +254 722 249810
  • info@jigjiganews.com
  • Get in touch
Jigjiga News
  • Home
  • News
  • Wararka
  • Arrimaha bulshada
  • Technology
  • Entertainment
  • Articles
  • Places
  • Videos
  • Products
Reading: In RW Hamze mooshin laga keenaa ma xalbaa? Qormo kooban
Share
Jigjiga NewsJigjiga News
Font ResizerAa
Search
  • Home
  • News
  • Wararka
  • Arrimaha bulshada
  • Technology
  • Entertainment
  • Articles
  • Places
  • Videos
  • Products
Follow US
  • Advertise
© 2025 Bangi Tales. All Rights Reserved.
Jigjiga News > Blog > Wararka > In RW Hamze mooshin laga keenaa ma xalbaa? Qormo kooban
Wararka

In RW Hamze mooshin laga keenaa ma xalbaa? Qormo kooban

Jigjiga news

Jigjiga News
Last updated: August 9, 2025 10:24 pm
Jigjiga News
Share
5 Min Read
SHARE

Warar todobaadyadii u danbeeyay isa soo taraya ayaa sheegaya in ay jiraan xoogaga isbiirsaday oo wada mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaaraha Somalia, Hamze Cabdi Bare, kaas oo ay dabada ka riixayaan qaar kamid ah xildhibaanada xukuumada Federalka Somalia.

Ma aha markii u horaysay ee ay soo bexeen warar noocan oo kale ah, waxaa jirtay dhowr mar oo hore oo ay soo duuleen warar sheegaya in qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia isku dayeen in Ra’iisulwasaaraha Xilka laga qaado iaydoo loo qaadayo codka kalsoonida, balse dhamaan isku dayadaasi waxay ku soo dhamaadeen fashil iyo dhamaad.

Doorkan maxaa cusub?

Wakhtigan waxaa soo dhowaatay doorashadii ka dhici lahayd dalka Somalia, iyadoo aysan wali muuqanin saan saan u diyaarsan doorashadii la yaqaanay ee teendhada lagu gali jiray, marar kala duwana xukuuda Federalka Somalia ay si cad u sheegtay in Dalka laga hir galin doono doorasho qof iyo cod ah, taas oo iyada lafteedu aan muuqan in lagu hirgalin karo mudadada xilka uga hadhay xukuumada wakhtigan xilka haysa.

Ma xalbaa in wakhtigan xilka laga qaado Ra’iisulwasaare Xamse?

Wakhtigan kala guurka ah xilka qaadis lagu sameeyo Ra’iisulwasaaraha Somalia, wuxuu kaliya muujin doonaa damaca la xidhiidha xil ku guulaysashada xukuumada wakhtigan talada haysaa ay qorshaynayso, dhanka kale, waxaa muuqanaysa in qorshahan looga gol leeyahay sidii loo heli lahaa xildhibaanada ka tirsan baarlamaabka Federalka Somalia ee ka soo jeeda deegaanada Jubbaland iyo Puntland iyadoo  wakhtigan uu liito xidhiidhka u dhexeeya dowlada Federalka Somalia iyo midka labadan maamul goboleed.

 

Hadaba xal maaha in Ra’iisulwasaare Xamse wakhtigan xilka qaadis lagu sameeyo, badalkeeda qorshaha ugu wanaagsan ee ay xukuumada Federalka Somalia samayni karto ayaa ah in dowlada Federalku fidiso gogol heshiis oo ay ku casuumayso maamulada Puntland iyo Jubbaland, isla markaasna ergooyin loo diro labadaas maamul goboleed, si doorashada ka hor loo dajiyo qorshe la isku waafaqsan yahay oo lagu aadi karo doorashada xiligeedii soo dhowaaday ee laga sugayo dalka Somalia bilaha soo socda, isla markaasna looga gaashaanto in uu dhoco firaaq siyaasi ah, oo ay xilka ku kordhisan karto xukuumada Federalka Somalia iyadoon u marin habraac sharci ah oo toosan oo sharciga waafaqsan ama aan wada ogol ku imaanin.

Wada hadal kasta iyo heshiis kasta oo dhex mara dowlada Federalka Somalia iyo maamul goboleedyadu wuxuu xukuumada federalka Somalia siinayaa awood aan ciyaar ahayn oo ay wakhti kooban ku hirgalin karto arrimo cul culus oo waxku ool ah, halka khilaaf kasta oo maamul goboleedyada kala dhexeeyaa uu ku noqon doono caqabad adag oo sida looga gudbaa ay adkaani doonto.

Dowlada Federalka Somalia ayaa qaaday dhowr talaabo oo lagu weerarayo maamulka Jubbaland, kuwaas oo indheer garadka ula muuqday qadwal qaldan oo lagu ragaadiyay cududii dowlasa federalka Somalia ay ku faani lahayd isla markaasna sifiican ay uga faa’iidaysan kari lahayd.

Halkee laga bilaabi karaa dib u heshiisiin dhex marta Jubbaland iyo dowlada Federalka Somalia?

Marka hore waa in gabi ahaanba la joojiyaa colaada ka socota Gobolka Gedo ee ka torsan Jubbaland oo maamulmihii u danbeeyay ay ka jireen colaado u dhexeeya ciidamo ay leedahay jubbaland iyo kuwa dowlada federalka Somalia oo khasaare kala duwan gaystay, isla markaasna maamulka loo madax baneeyo maamul goboleedka jubbaland isla markaasna loo gudbi qaabkii dalka Somalia looga hirgalin kari lahaa doorasho wada ogol ah oo wakhtigeeda ku dhacda.

Waa in dowlada Fedelka Somalia ay ka laabato waraaqdii waaranka ahayd ee marar hore u soo jartay madaxwaynaha dowlad goboleedka jubbaland isla markaasna Jubbaland ay dhankeeda ka laabato waraaqihii ay u jartay madaxwyanaha dowlada Federalka Somalia ee jawaabta u ahayd tii ay federalku soo jareen.

Waa in dhamaan cuno qabataynaha saaran dowlad goboleedka jubbaland laga qaado iyadoo loo fasaxato diyaaradihii jihooyinka kala duwan uga soo socdaali jiray jubbaland, si isu socodka dadwaynuhu oo caadi ugu soo laabto.

Waa jn Jubbaland loo fasaxo dhamaan lacagihii kabitaanka ahaa ee ay ka maamul goboleed ahaan xaqa u lahayd iyadoo waliba la soo raacinayo dhaqaalihii federalka ku baaqday bilihii ama sanadihii isfahan darradu ay ka dhex jortay federalka iyo Jubbaland.

Inkastoo ay jiraan gaabis iyo qaladaad badan oo dhacay intuu xilka hayay Ra’iisulwasaare Hamze cabdi bare, hadana wuxuu noqon doonaa ra’iisulwasaarihii ugu wakhtiga dheeraa ee soo mara dalka Somalia tan iyo intii la dhisay dowladihii ku yimid dib u heshiisiinta Somalia.

Jigjiga news

Info@jigjiganews

 

Please subscribe

You Might Also Like

Furitaanka Biyo xidheenka wayn ee itoobiya…Faalo kooban.

Deg deg: Cabdiqaadir Firdhiye oo ku guulaystay Madacwaynenimada Woqooyi Bari Somalia…Read More

Deg deg: Dhagayso Natiijada Doorashadii woqooyi Bari Somalia iyo Firdhiye oo…

Wax badan ka ogow fursadaha iyo caqabadaha Musharixiinta ugu tunka wayn Woqooyi Bari Somalia…Read More

Doorashada Woqooyi Bari Somalia oo bari dhici doonta iyo Ina Jabuutaawi oo laga reebay musharixiinta…Read More

Delivering timely, reliable, and engaging content from the Horn of Africa and beyond. Stay updated with compelling stories, insightful perspectives, and real-time coverage that informs and inspires every day.

Sign Up For Daily Newsletter

Be keep up! Get the latest breaking news delivered straight to your inbox.
[mc4wp_form]
By signing up, you agree to our Terms of Use and acknowledge the data practices in our Privacy Policy. You may unsubscribe at any time.
Share This Article
Facebook Twitter Copy Link Print
Share
Previous Article Hadii biyo xidheenkii waynaa ee itoobiya Buuxsamay, mushkuladii wabiga Nile ma xalismi doontaa? Faah faahin
Next Article Dhaq dhaqaaq ciidan oo ka jira deegaanka Dacaloley…war cusub
Leave a comment Leave a comment

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest News

The inauguration of the Ethiopian Renaissance Dam and grand opening around the corner.. Read More
News August 29, 2025
DHAGAYSO: Hadal jeedintii Hamza Warfa ee Nairobi.
Wararka August 28, 2025
Nin gobolka Texas ee dalka Maraykanka ku dilay laba nin oo sheegay in ay Boolis yihiin..Read More
Wararka August 25, 2025
DHAGAYSO: War saxaafadeedka shir Nairobi ka dhacay oo lagag cabanayo xukuumada DDS+Xog dheeraad ahg
Wararka August 25, 2025

Subscribe to Our Newsletter

[mc4wp_form id=2468]
Jigjiga News

Delivering timely, reliable, and engaging content from the Horn of Africa and beyond. Stay updated with compelling stories, insightful perspectives, and real-time coverage that informs and inspires every day.

  • +254 722 249810
  • info@jigjiganews.com

Quick Links

  • Editorial Policy
  • Contacts
  • Privacy Policy
© 2025 Jigjiga News. All Rights Reserved.
WhatsApp us
adbanner
pl
Our site is an advertising supported site. Please whitelist to support our site.
Okay, I'll Whitelist
Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?