Maxay ka hadlaysay Waraaqdii ay haweenayda Trump u dirtay Madaxwayne Putin..?
koobaad ee dalka Maraykanka Meniab Trump ayaa waraaq u qortay madaxwaynaha dalka Ruushka, Waraaqdan ayaa la sheegay in ay ku saabsanayd codsi nabadeed oo loo diray madaxwayne Putin, iyadoo ay madaxwaynaha Maraykanka donald Trump iyo madaxwaynaha Ruushka Madaxwayne Putin kulan ku lahaayeen dalka Maraykanka gudihiisa, gaar ahaan gobolkii horay uga tirsanaan jiray dalka Ruushka ee Maraykanka laga iibiyay ee Alaska.
Waraaqdan baaqa nabadeed ku qoran yahay ayaa la sheegay in uu madaxwayne Puting u gudbiyay ninkeeda ahna madaxwaynaha dalka Maraykanka ee Donold J Trump ka hor intuuna furmin shirka Alaska ee u dhexeeyay Trump iyo Putin. shirkan ayaa diirada lagu saarayay sidii xal looga gaadhi lahaa colaada ka socota dalalka Ruushka iyo Ukraine oo hada sanado badan soo jiitamaysay. Sababaha dagaalkan ayuu Ruushku dhankiisa ku sheegay mid lagu difaacayo jiritaanka dalka Ruushka, halka Ukraine ay u aragto in lagu soo xad gudbay madax banaanida dalka Ukraine.
Xuska sanadguurada onlf muxuu uga dhiganyahay xisbiga?
Waxaa 15 aug ku beegnayd sanad guuradii xisbiga onlf oo 41 jirsatay sanadkan 2025 ee aan ku jirno. Dabaal dagyo iyo munaasabado balaadhan ayaa ka dhacay dunida oo dhan, iyadoo lagu xasuusanayay sanad guurada ka cusub ee sanadkan 2025.
Hadaba onlf maxay uga dhigantahay sanadguuradani?
Sanad guuradani waa mid kamid ah sanad guurooyinka onlf ay dhigato mudadii ay xubneheeda iyo madaxdeeduba si nabadgalyo ah ku joogeen dalkooda hooyo, inkastoo ay jireen tabashooyin dhinacyo kala duwan ah, hadana waxaa hubaal ah in shacabwaynaha dowlada deegaanku nasniiyo dareemeen sanadihii u danbeeyay kadib markii ururkii onlf isu badalay xisbi isla markaasna uu gabi ahaanba hubka iska dhigay, halgankiisana u badalay mid si nabad ah u socda oo qalin kaliya ku socda.
Shaashadaha baraha bulshada ayaa la arkayay kumanaan qof oo isu soo baxyo ka sameeyay dunida daafeheeda iyo deegaanka dhexdiisaba, iyadoo la arkayay shacab iska faraxsan oo ku niyadsan in ay si xor ah deegaankooda dhexdiisa ugu dabaal dagayaan iyagoon cabudhin dareemayn.
Dhacdooyinka kooban ee dowlad deegaanka ka dhacay ee onlf xubneheeda lagula kacay muxuu yahay?
Sida la wada ogyahayba dowlad deegaanka waxaa ka socon jiray colaad u dhexaysay onlf iyo laamaha amaanka ee kala duwan oo mudo dheer soo socotay, inkastoo sanadihii u danbeeyay deegaanka nabadi ka jirtay, hadana waxaa muuqata bisayl yarida haysa shaqsiyaad ka tirsan laamaha amaanka oo u baahan in dib loogu baraarujiyo in xisbiyadu xoryihiin, shuruuda kaliya ee looga baahan yahay xisbigii dabaal dagayana ay tahay in ay amniga ilaaliyaan dhankooda oo kaliya, wax shuruud ah oo kalena aan looga baahnayn, sidoo kale in markasta onlf marka ay xaflad qabsanayso gudaha dowlada deegaanka ay la socodsiiso laamaha amniga sida booliska dowlada deegaanka, si aysan qaar kamid ah laamaha amniga ama qaar dan kale lihi waxba u dhex raacin, sidoo kalena aysan cid kale oo xasiloonida deegaanka ka xuni dhex raacis u samaynin.
Si kastaba ha ahaatee, Waa arrin lagu farxo in labadii wiil ee shalay is eryanayay ay iyagoo walaalo ah si nabad ah dalkoodii uu wada suganyihiin uguna wada dabaal dagayaan, balse xukuumada waxaa la saaran masuuliyad wayn oo lagu xaqiijinayo xoriyada xisbiyada iyo sinaanta bulshada, si looga maarmo in bulshadeenu u kala dhuumato xafiisyo dowladeed iyagoo cadaalad iyo amni dalbanaya ama lagu xad gudbay oo cadaalad raadinaya.
Maxaa ka soo baxay wada hadalkii Putin iyo Trump?
Sida aan ka helayno kulamadii uga socfay madaxwayneyaasha Dalalka Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku soo dhamaaday ismariwaa, iyadoo la sheegay in ay heshiini waayeen labada madaxwayne isla markaasna aysan jirin wax ay isku waafaween oo shirkaas ka soo baxay.
Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa aad isugu dayay in wada hadalkaasi midho dhalo, balse taasi uma dhicin sidii uu gilayay, iyadoo madaxwayne Putin uu dalkiisii dib ugu laabtay iyadoon waxba la isku afgaranin.
Kulankan oo la qorsheeyay in ay labada masuul isla qaataan wakhti ilaa 7 saacadood ah, ayaa la sheegay in uu ku soo dhamaaday wax aan ka badnayn saddex saacadood oo kale.
Nibiri wayn oo ku soo caariday xeebta Kismaayo…
Wararka aan ka helay xarunta ku meel gaadhka ah ee Jubbaland ee Kismaayo ayaa sheegaya in saaka subaxdii ay shacabka reer Kismaayo ku waa bariisteen Nibiri wayn oo ku soo caariday xeebaha badda kismaayo. Muuqaalo la soo dhigay warbaahinta kala duwan iyo baraha bulshada ayaa muujinayay shacabka oo u kala badinaya nibirigan si ay u qashaan oo hilibkiisa qayb kamid ah u soo qaataan.
Waxaa la arkayay shacab faraxsan oo gacmaha ku sita hilib ay sheegeen in uu yahay midka nibiriga, Waxaa sidoo kale la arkayay qaar kamid ah shacabka Kismaayo oo soo goostay ilkihii nibiriga isla markaasna ku faanaya in ay heleen macdan qaali ah. Arrintan ayaa farxad wayn u ahayd dhamaan shacabkii goobta yimid ee u yimid ka faa’iidaysiga khayraadkan sida dabiiciga ah bada uga soo caariday ee hilibkiisu xalaasha yahay, maadaamo waxkasta oo bada ku jiraa aadamaha xalaal u yahay hilib ahaan.
Waa maxay sababta ay muhiim u tahay in la sii daayo Cabdullahi itoobiya?
Sida la sheegay waxaa maanta dowlada deegaanka Soomaalida lagu xidhay Cabdullahi itoobiya oo ahaa madaxwayne ku xigeenkii xukuumadii hore ee dowlad deegaanka ka arrimin jirtay. Hadaba inkastoo la ogyahay in deegaanka ay ka dheceen gaboodfal kala duwan, hadana qorshe ku haboon arrinkaas oo wakhtigan lagula xisaabtami karo cidkasta oo qayb ka ahayd dhinacyadii kala duwanaa ka kala tirsanaa kuwii is hayay. Sababtu waxay tahay dadka labada dhinac ah ee ama dhanka jabhadihii ah ama dhanka dowladihii hore ee kala duwanaa la shaqaynayay, qaab noocee ah ayaa loola xisaabtami?
Ilaa sanadkii 1994 dowlad deegaanka waxaa ka jiray dilal qorshaysan iyo dhacdooyin foolxun oo dhagtu ay diidayso, halkaa laga soo bilaabi isla xisaabtanka, ma Sanadkii xilka laga qaaday xukuumadii hore kolkay xilka yimaadeen, ma xukuumadihii u horeeyay ee sanadihii sagaashamaadkii ayaa laga soo bilaabi?
Qaabka ugu haboon arrinka isla xisaabtanka loo wajihi karo wakhtigan ayaa ah in horay looga socdo, inta umada kamidka ah ee balaayooyinkii ka soo doogtayna qorshe nabadgalyo iyo mustaqbal wanaagsan loogu abuurayo la isu kaashado isla markaasna wixii horay uga soo dhacay deegaanka taariikh ahaan loo qaato.
dhibaneyaasha See lagu qancin karaa?
Si cafis guud uu dowlada deegaanka Soomaalida uga hirgalo waa in dhibaneyaasha kala duwan ee dowlada deegaanka Soomaalida nooc mag dhow ah loo diyaariyo isla markaasna lagu caawiyo si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ka soo gaadhay wakhtigii adkaa xaaladihii qalafsanaa ee shacabka dowlada deegaanku soo mareen.
jigjiganews.com
info@jigjiganews.com