By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use.
Accept
  • +254 722 249810
  • info@jigjiganews.com
  • Get in touch
Jigjiga News
  • Home
  • News
  • Wararka
  • Arrimaha bulshada
  • Technology
  • Entertainment
  • Articles
  • Places
  • Videos
  • Products
Reading: Haweenay Umushay oo loo xukumay 100 kun oo dollar, Jubbaland o markale eedayn u jeedisay Federalka+warar kale oo xiiso badan
Share
Jigjiga NewsJigjiga News
Font ResizerAa
Search
  • Home
  • News
  • Wararka
  • Arrimaha bulshada
  • Technology
  • Entertainment
  • Articles
  • Places
  • Videos
  • Products
Follow US
  • Advertise
© 2025 Bangi Tales. All Rights Reserved.
Jigjiga News > Blog > Wararka > Haweenay Umushay oo loo xukumay 100 kun oo dollar, Jubbaland o markale eedayn u jeedisay Federalka+warar kale oo xiiso badan
Wararka

Haweenay Umushay oo loo xukumay 100 kun oo dollar, Jubbaland o markale eedayn u jeedisay Federalka+warar kale oo xiiso badan

jigjiga news

Jigjiga News
Last updated: August 13, 2025 9:51 pm
Jigjiga News
Share
5 Min Read
SHARE

Haweenay Umushay oo loo xukumay 100 kun oo dollar, Jubbaland o markale eedayn u jeedisay Federalka+warar kale oo xiiso badan

Haweenay foolanaysa ay dalka Kenya iska soo xaadirisay goob caafimaad oo haweenku ku umulaan, kadib markii ay dareentay xanuunka foosha. Haweenaydan ayaa la sheegay in ay googta caafimaadka timid iyadoo aad u culus, balse lagu kalifay in ay sugto in laga umuliyo muda 11 saacadood ah, taas oo sababtay in ay waydo ilmeheedii kadibna si aan ogolaansho lahayn looga saaray makaankeedii ama ilmo galeenkii. Haweenaydan ayay maxkamada sare ee dalka Kenya u xukuntay lacag dhan7.7 Million oo lacagta Kenya ah, taas oo u dhiganta in ka badan boqol kun oo doolarka marykanka ah. Qoraal ka soo baxay maxkamada sare ee Kenya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha isbataalku dayeceen dhibanaha maadaamo oo ay safka ku daahiyeen saacado badan. Haweenaydan oo mageceeda la qariyay ayaa magdhow u heli doonta lacag gaadhaysa 7.5 millions oo lacagta dalka Kenya ah.

Contents
Haweenay Umushay oo loo xukumay 100 kun oo dollar, Jubbaland o markale eedayn u jeedisay Federalka+warar kale oo xiiso badanJubbaland oo markale eedayn culus u jeedisay dowlada Federalka Somalia.Hogaamiyeyaasha beesha Xawaadle oo soo gaadhay magaalada beledwayne+SababtaSenatarka laga soo doorto ismaamulka Mandera oo cabasho u diray Dowlada Federalka Somalia iyo jubbaland.

 

Jubbaland oo markale eedayn culus u jeedisay dowlada Federalka Somalia.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowlada Federalka Somalia ay colaad aan loo baahnayn ka hurinayso gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Beledxaawo oo dhowaan dagaalo khadhaadh oo khasaare ba’an gaystay uu ku dhex maray ciidamada dowlada Federalka Somalia sida tooska ah uga amar qaata ee uu hogaaminayo Cabdirashiid Janan iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

Dagaalkan ayaa waxaa ku geeriyooday saraakiil ciidan oo labada dhan ah, iyadoo khasaaraha dhimashadu uu aad u sareeyay isla markaasna colaadaasi ay sidoo kale sababtay khasaare baahsan oo soo gaadhay dadka rayadka ah ee ku nool gobolka Gedo. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale dowlada federalka ah ku eedeeyay in ay wadaan qorshe ay ku wiiqayaan Jubbaland, iyadoo ay soo baxayaan in dowlada Federalku ay dabada ka riixayso qorshe lagu dhisayo jubbaland kale oo laga hirgaliyo gobolka Gedo, taas oo noqon karta dhibaato aysan dowlada federalka lafteedu heli doonin xalkeeda.

Ma aha markii u horaysay ee dowlada Federalka ahi ay ciidamo toos uga amar qaata u soo dirto deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo sidoo kale hada ka hor ciidamo badan u dirtay deegaanka Raas kaambooni oo ka tirsan maamulka Jubbaland, halkaas oo sidoo kale ay ka dheceen dagaalo khadhaadh oo khasaare baaxad leh gaystay isla markaasna dowlada Jubbaland u aragto in ay ahaayeen colaado laga maarmi karay. Dagaalada ka sakow, maamulka Jubbaland ayaa tirsanaya caddaadis dhanka socdaalka iyo dhaqaalaha ah oo ay saartay dowlada federalka ahi marar kala duwan, iyadoo u aragta in arrimahaasi yihiin kuwo lagu dhibaataynayo shacabka Jubbaland.

Hogaamiyeyaasha beesha Xawaadle oo soo gaadhay magaalada beledwayne+Sababta

Waxaa maanta magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan soo gaadhay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ugaaska guud ee beesha xawaadle ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dalka dibadiisa safar ugu maqnaa mudooyinkii u danbeeyay. Ugaaska oo si wayn loogu soo dhoweeyay magaalada Beledwayne oo waraahinta la hadlay ayaa sheegay in beeshu ay shir isugu imaani doonto, shirkaas oo bilaaban doona maalinta bari ah.

Beesha xawaadle ayaa lagu xasuustaa sidii geesinimada lahayd ee ay isaga kiciyeen kooxihii alshabaab ee deegaankooda ku sugnaa, inkastoo ay wali garab uga baahanyihiin dowlada federalka Somalia iyo umada Soomaaliyeed guud ahaanba. Dhanka kale, beesha xawaadle ayaa u baahan ciidamo awood leh oo ka caawiya la dagaalanka kooxdan guracan, si aysan reerkani ugu kaligaysanin dagaalka culayska colaaduna uuna kaligood ugu dhicin ee garab looga siiyo.

Senatarka laga soo doorto ismaamulka Mandera oo cabasho u diray Dowlada Federalka Somalia iyo jubbaland.

Senatarka laga soo doorto ismaamulka Mandera Cali Roba oo barta uu ku leeyahay baraha bulshada qoraal dheer soo dhigay ayaa cabasho u diray dowlada Federalka Somalia iyo maamulka Jubbaland isagoo sheegay in colaadaha ku soo noqnoqday deegaanada Beledxaawo ay dhibaato badan ku hayso shacabka reer mandera, iyadoo ay gantaalo habow ahi ku soo dhacaan gudaha magaalada Mandera iyagoo gubaha guryaha shacabka madera dhibaato joogto ahna u gaysta.

Dhanka kale, senatarka ayaa sheegay in dowlada Kenya waajib dastuuri ahi ka saaranyahay ilaalinta amniga shacabka reer Mandera oo si joogto ah ay u saameeyaan colaadahan soo noq noqday ee ka jira Beledxaawo. Senatorka ayaa yidhi, dowlada Kenya waxaa xaq loogu leeyahay in ay madaxda somalia iyo kuwa jubbaland kala hadasho colaadahan soo noq noqday. Dagaalada ka dhaca Beledxaawo ayaa marar badan la isla soo galaa gudaha Kenya gaar ahaan deegaanka Mandera.

ku xidhnow jigjiganews.com

nagala soo xidhiidh: info@jigjiganews.com

Please subscribe

You Might Also Like

Furitaanka Biyo xidheenka wayn ee itoobiya…Faalo kooban.

Deg deg: Cabdiqaadir Firdhiye oo ku guulaystay Madacwaynenimada Woqooyi Bari Somalia…Read More

Deg deg: Dhagayso Natiijada Doorashadii woqooyi Bari Somalia iyo Firdhiye oo…

Wax badan ka ogow fursadaha iyo caqabadaha Musharixiinta ugu tunka wayn Woqooyi Bari Somalia…Read More

Doorashada Woqooyi Bari Somalia oo bari dhici doonta iyo Ina Jabuutaawi oo laga reebay musharixiinta…Read More

Delivering timely, reliable, and engaging content from the Horn of Africa and beyond. Stay updated with compelling stories, insightful perspectives, and real-time coverage that informs and inspires every day.

Sign Up For Daily Newsletter

Be keep up! Get the latest breaking news delivered straight to your inbox.
[mc4wp_form]
By signing up, you agree to our Terms of Use and acknowledge the data practices in our Privacy Policy. You may unsubscribe at any time.
Share This Article
Facebook Twitter Copy Link Print
Share
Previous Article Jigjiga best residential Hotels and lodging
Next Article Dareslam’s best hotels and Residential apartments
Leave a comment Leave a comment

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest News

The inauguration of the Ethiopian Renaissance Dam and grand opening around the corner.. Read More
News August 29, 2025
DHAGAYSO: Hadal jeedintii Hamza Warfa ee Nairobi.
Wararka August 28, 2025
Nin gobolka Texas ee dalka Maraykanka ku dilay laba nin oo sheegay in ay Boolis yihiin..Read More
Wararka August 25, 2025
DHAGAYSO: War saxaafadeedka shir Nairobi ka dhacay oo lagag cabanayo xukuumada DDS+Xog dheeraad ahg
Wararka August 25, 2025

Subscribe to Our Newsletter

[mc4wp_form id=2468]
Jigjiga News

Delivering timely, reliable, and engaging content from the Horn of Africa and beyond. Stay updated with compelling stories, insightful perspectives, and real-time coverage that informs and inspires every day.

  • +254 722 249810
  • info@jigjiganews.com

Quick Links

  • Editorial Policy
  • Contacts
  • Privacy Policy
© 2025 Jigjiga News. All Rights Reserved.
WhatsApp us
adbanner
pl
Our site is an advertising supported site. Please whitelist to support our site.
Okay, I'll Whitelist
Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?