Dab khasaare badan gaystay oo ka dhacay islii.
Waxaa maanta xaafada islii ka dhacday dhacdo khasaare badan soo gaadhsiisay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool xaafada islii kadib markii uu dab waynj ka kacay suuq kamid ah suuqyada ugu mashquulka badan ee xaafadan.
Sida aan ka helayno ilo xog ogaal ah, Ganacsade Nuur Shiikh Maxamed ayaa kamid ah kuwa Dabka maanta uu khasaaraha dabani ka soo gaadhay. Dabkan oo ka kacay suuqa Yare Garrage ee loo yaqaano KBS tii hore ayaa ku yaala islii Mall agtiisa ama jidka General Wairungu oo aad loogu garan ogyahay jidka 12aad, kasoo horjeedka Hashkis iyo Banaadir Lodge.
Khasaaraha ka dhashay dabku intuu dhanyahay?
Inkastoo aan wali la xisaabinin khasaaraha guud ee soo gaadhay ganacsigii suuqan aadka u camirnaa oo lagu gadi jiray qalabka guryaha, sida sariiraha iyo fadhiyada iyo dharka ayaa la sheegay in Ganacsade kaliya oo la waraystay sheegay khasaare baaxad leh oo soo gaadhay. Ganacsadahan ayaa la sheegay in ku waayay Hanti gaadhaysa (180,000) oo Dollar ka Maraykanka ah.
Ganacsadahani wuxuu dukaan wayn ku lahaa Goobta dabku ka kacay maanta, wuxuuna gadi jiray alaabta guryaha iyo dharka.
Ganacsadahan ayaa la sheegay in dhamaan alaabtii uu halkaasi ku iibinayay ay baaba’aday oo gabi ahaanba ay danbas noqotay.
Dukaankan ayaa la sheegay in uu ganacsadahani ku shaqaysanayay mudo 18 sano ka badan, sida uu xaqiijiyay mulkiiluhu.
Inkastoo uu khasaare weyn gaaray haddana waxa uu yiri “Alxamdulillaah”. Dadkii goobta isugu soo baxay ayaa ganacsadahan iyo kuwa kale ee lamidka ah u rajeeyay in Alle baddal khayr qaba uu siiyo.
Xaafadu ma leedahay dab damis u gaar ah?
Xaafada islii ee ganacsiga Soomaalidu ku badan yahay ayaan lahayn dab damis u gaar ah, iyadoo xarun dab damis oo gudaha xaafada laga sameeyaa uu wax badan ka caawin lahaa xaafada hadii uu dab ka koco dhismeyaasha ganacsiga ama kuwa la dagan yahay.
Nadaafada xaafada islii ma la hagaajin karaa?
Xaafada islii oo ah meesha ugu wayn ee shacabka dalka Kenya ay ganacsiga u soo doontaan, ayaa baahi badan u qabta shirkad nadaafadeed oo si joogto ah ugu adeegta bulshada dagan xaafadan, iyadoo shan ama lix iska roga iyo 3 gaadhi oo kuwa casriga ah ee qashinka qaada iyo saddex cagaf ay ku filaani lahaayeen in su vuuxda xaafada islii looga dhigo meesha ugu nadaafada badan.
Jigjiganews.com
Info@jigjiganews.com