Diiwaanka magacyada Xildhibaanada Woqooyi Bari Somalia oo lagu dhawaaqay
Waxaa ugu danbayn shaaca laga qaaday diiwaanka magacyada goleyaasha xildhibaanada ee maamul goboleedka cusub ee Woqooyi Bari somalia oo mudooyinkii u danbeeyay dhismihiisa iyo dhamays tirkiisa ay ku howlanaayeen dadka Reer Khaatumo iyo maakhir.
Dowlada Kenya oo beesha caalamka ka codsatay in laga caawiyo la dagaalanka kooxda Ashabaab.
Dowlada Kenya ayaa codsi ay u dirtay beesha caalamka kaga codsatay in laga caawiyo la dagaalanka kooxda Ashabaab. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in baahi badan loo qabo in iwadajir ah kooxdan loola dagaalamo isla markaasna kooxdan gabi ahaanba laga qabto geeska Africa.
Taliyaha guud e ciidamada dalka Kenya General Charles Kahariri ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo dhibaatada kooxdani ay ku hayso dalka Somalia iyo guud ahaan dalalka geeska Africa.
Rag Alshabab ah oo isu soo dhiibay maamulka koonfur galbeed.
Afar nin oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab ayaa sabtidii shalay isu soo dhiibay maamulka koonfur galbeed Somalia, iyagoo iska soo dhiibay magaalada baydhabo.
Afarta nin ee isa soo dhiibay ayaa sheegaya in sababta ay uga soo bexeen kooxdu ay tahay in nolosha baadiyuhu aad u adagtahay isla markaasna ay sidoo kale wajahayeen dagaalo joogto ah oo kaga imaanayay dhanka ciidanka qaranka Somalia.
Jigjiga news
Info@jigjiganews.com