wararka ay jigjiganews.com helayso ayaa sheegaya in meelihii horay isku dhacyadu uga dheceen ee dacawaley ay mar kale ka jiraan abaabul horleh oo halkaas laga yaabo in markale dhibaato ka dhacdao. Wararka ayaa sheegaya in todobaadkii ugu danbeeyay halkaas ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo aad u badan iyadoo la arkayay shacab hubaysan oo geel qalasho ku jira isla markaasna ay xiisadu heer sare marayso maalmihii la soo dhaafay. Arrimahan soo cusboonaaday ayaa la sheegayaa in ay sababeen wali tabasho dhul iyo waliba arrimaha la xidhiidha qaab dhismeedkii dhowaan dowlad deegaanka laga hirgaliyay oo saamayntiisu ay markale gaadhay qaar kamid ah beelaha deegaanka wada dagan, waana sababta ay muhiim u tahay in gabi ahaanba dib looga laabto go’aamada cusub ee lagu badalay qaab dhismeedkii guud ee ka jiray dowlada deegaanka Soomaalida isla markaasna laga feejignaado in marnaba la qaado talaabo aan mudo ku filan laga tashi galinin shacabka dowlada deegaanka Soomaalida.
Dacawoley maxaa ka dhacay?
Colaado aafo ah oo ay haldoor iyo ciidanka deegaanku ku dhamaadeen ayaa ka dhacay tuuladaas iyadoo wali ay halkaas ka jiraan qul qulatooyin iyo ciidan urursi aan kala joogsi lahayn tan iyo markii ay halkaas ka dheceen colaadahan galaaftay boqolaalka qof dhanka kalena sababay boqolaalka dhaawac iyo dhibaato ee ka dhacay halkaasi. Inkastoo ay marar kala duwan tageen qaar kamid ah maamulka dowlada deegaanka Soomaalidu, hadana waxaa hubaal ah in wali aan boogtaasi si rasmi ah loo dhayin si ay u bogsooto, balse ay wali tahay goob colaadeed oo wakhti kasta ay dhibaato ka dhici karto.
Inkastoo aysan jirin wakhtigan xabad dhacaysa oo halkaas ka socotaa, hadana waxay wararka aan helaynaa sheegayaan in dhaq dhaqaaqyada ka jira dacawoley ay kordheen mar kale. Hadaba xukuumada dowlada deegaanka Soomaalida ayaa laga sugayaa qaabkii ay uga hor tagi lahayd in halkaas markale ay ka soo cusboonaadaan colaado horleh oo laga baaqsan karo.Wararka jigjiga iyo dowlada deegaanka Soomaalida kala soco jigjiganews.com iyo barta facebook aan ku leenahay ee jigjiganews
jigjiganews.com
info@jigjiganews.com