Dhaliilaha ku hoos jira mushahar korodhka loo sameeyay shaqaalaha dowlada itoobiya…Xog dheeraad ah
Sidaan wararkii maanta ku baahinay waxaa 80% ilaa 20% mushahar korodh loo sameeyay shaqaalaha dowlada u shaqeeya dalka itoobiya guud ahaan sida ay sheegtay wasaarada maaliyada dalku. Hadaba maka loo eego maciishada dunida maanta ee qaali ah, mushaharka guud ee shaqaalaha dowlada ayaa noqotay inta u dhexaysa 45 dollar iyo 210 dollar wax u dhigma iyo inta u dhexaysa, tas oo mushaharka shaqaalaha wali ka dhigaysa mid aad u hooseeya oo aan wali ahayn mid dabooli kara baahiyaha shaqaalaha dowlada, balse marka loo eego siduu xaalku ahaa wakhtiyadii hore, tani waa bilow wanaagsan oo lagu hiran karo.
Ganacsatada oo la sheegay in ay ka fikirayaan in ay qiimaha maciishada sare u qaadaan.
dhanka kale, maciishada ayaa la sheegayaa in durba ay ganacsatad ku fikirayaan in ay sare u qaadaan, kadib markii ay maqleen waxaa korodh lagu sameeyay mushaharaadka ay qaataan shaqaalaha dowladu, taas oo markasta u baahan in si aan ku taagsi ahayn ganacsatada loogula dardaarmo in ay maciishada nolosha dhimaan isla markaasna aysan qaaliyaynin waxyaabaha aas aaska u ah nolosha caadiga ah ee bulshada dowlada deegaanka.
Sidee ayay maamulku dhaqaale badan ku soo xarayni karaan si ay u dabaraan baahiyaaha dhaqaale ee jira?
Sida la wada ogyahay dowladu waxay gacanta ku haysaa guud ahaan dhaqaalihii loogu talo galay in nolosha bulshada lagu maareeyo laguna maamulo. Hadaba dhaqaale dheeraad ah si loo sameeyo markasta waa inuu jiro qorshe ganacsi oo dowladu maamusho sida qoditaanka macdanta kala duwan, dhismaha warshado wax soo saar oo dowladu dhisto shacabkana shaqo abuur looga sameeyo isla markaasna soo saara dhaqaale baaxad leh oo bulshada lagu maal galiyo laguna horumariyo kaabeyaasha guud ee dhaqaalaha si loo dardar galiyo kobocoa sare u kaca dhaqaalaha ee dowlada.
Jaaliyadaha, Qurba joogta iyo xisbiyada kala duwani kaalin noocee ah ayay ku yeelan karaan kobcinta dhaqaalaha?
Xisbiyada kala duwani waxay xubno badan ku leeyihiin dalalka qurbaha ee dhaqaalaha badan leh, waana dad isku filan dhaqaale ahaan isla markaasna wax badan ku soo kordhin kari lahaa dhaqaalaha guud ee bulshada iyo dowlada, hadana xoriyad buuxda oo ay helaan xisbiyada kala duwani waxay sahlaysaa in xubnaha xisbiyada kala duwani dib ugu soo laabtaan dalkooda isla markaasna ay ehelkooda caawiyaan, maal gashi iyo ganacsi kala duwana ka samaystaan dalkooda, balse taasi waxay markasta ku xidhan tahay cadaalad iyo xoriyad buuxda oo ay dareemi karaan bulsho waynta deegaanku.
Dhanka kale, xoriyad buuxda oo la siiyo xisbiyada kala duwan ayaa sahli lahayd in xisbiyadu bulshada dhex galaan isla markaasna wacyi galin la xidhiidha sidii shacabka loo gaadhsiini lahaa isku filaansho u jeedin lahaa, taas oo mararka qaar ka wanaagsan in wax la hogaamiyo, iyadoo hogaaminta iyo siyaasiyiintu ay markasta kala door yihiin, siyaasiyiintu waxay u taagan yihiin sidii ay xil u hanan lahaayeen kadibna bulshada ugu adeegi lahaayeen, halkaas oo ay ogyihiin in ay ka heli karaan magac iyo manfac intaba, halka hogaamintu ay ka duwan tahay siyaasiyiinta ee marar badan ay awood u leeyihiin iyagoon xil haynin in ay bulshada wakhti adag u istaagaan, iskuna dayaan in ay dhibaatada ka samata bixiyaan.
jigjiganews.com
info@jigjiganews.com