Maraykanka oo digniin adag ka soo saaray khatarta argagixisada alshabaab…
Safaarada dalka Maraykanka ee ku taala dalka Kenya ayaa muwaadiniinteeda uga digtay khatar ay dareemayso safaaradu oo la xidhiidha cabsi laga qabo in kooxaha argagixisadu weeraro ka gaysan karaan gudaha dalka Kenya. Safaarada ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalka Kenya ugu baaqday in ay digtoonaadaan, isla markaasna ka feejignaadaan halis ka dhalan karta hadii kooxaha argagixisadu isku dayaan in ay gudaha kenya weerar ka gaystaan.
Dhowaan ayay ahayd markii dowlada Kenya ay beesha caaamka ka codsatay in garab laga siiyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan alsbaab iyo kuwa lamidka ah, iyadoo dowlada Kenya sheegtay in kooxahani ay halis ku yihiin nabadgalyada Somalia iyo guud ahaan geeska Africa.
Puntland oo guul ka sheegatay dagaalka calmiskaad..
Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay dagaalada ka dhanka ah kooxda daacish ee buuraha calmiskaad ku dishay ilaa todoba boqol oo isugu jira umado kala duwan oo ay kamid yihiin dad ajaaniib ahi. Puntland ayaa bilihii u danbeeyay ku gudojirtay la dagaalkanka kooxd Daacish oo ku dhuumaalaysan jirtay buuroleyda calmiskaad oo ah buuroley ku taala dhulka Puntland.
Madaxwaynaha Galmudug axmed cabdi kaariye qoor roo oo la bogaadiyay…
Madaxwaynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa lagu bogaadiyay shaqo wanaag iyo mashaariico kala duwan oo uu ka fuliyay maamulka uu hogaamiyo ee galmudug. Mudane Qoor Qoor ayaa si gaar ah u maamuusay madaxwayne Xasan sheekh maxamuud, isagoo ka fogaaday in uu isla simo madaxwayne xasan, isagoo fadhiistay kursi ka soo horjeeda madaxwayne xasan halka madaxwayneyaasha maamul goboleedyadu ay kursi garab dhigtaan madaxwaynaha, arrinkaas oo uu si wayn ugu bogay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Markabkii hubka u waday Somalia oo wali aan gaadhin halkii la rabay inuu tago+sababta…
Markabkii dowlada federalka Somalia hubka iyo saanada u waday ee laga lahaa dalka Turkiga ayaan wali gaadhin halkii loogu talo galay iyadoo la sheegay in markabkan oo la sugayay inuu ku soo xidho dekada caasimada dalka Somalia ee Muqdisho uuna wali gaadhin halkii loogu talo galay, iyadoo wali markabkani uu iska daba wareegayo xeebaha geeska Africa. Markabkan ayaa waxaa mar qabsatay Puntland ayay markii danbe iska sii daayeen, kadib markii safiirka Turkiga u fadhiya somalia uu booqasho ku tagay Puntland, isla markaasna uu kala xaajooday sii daynta markabkan.
Hoos ka dhagayso wararkan oo dhamays tiran