By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use.
Accept
  • +254 722 249810
  • info@jigjiganews.com
  • Get in touch
Jigjiga News
  • Home
  • News
  • Wararka
  • Arrimaha bulshada
  • Technology
  • Entertainment
  • Articles
  • Places
  • Videos
  • Products
Reading: Madaxwayne ku xigeen Puntland hadal jeedintiisa…
Share
Jigjiga NewsJigjiga News
Font ResizerAa
Search
  • Home
  • News
  • Wararka
  • Arrimaha bulshada
  • Technology
  • Entertainment
  • Articles
  • Places
  • Videos
  • Products
Follow US
  • Advertise
© 2025 Bangi Tales. All Rights Reserved.
Jigjiga News > Blog > Wararka > Madaxwayne ku xigeen Puntland hadal jeedintiisa…
Wararka

Madaxwayne ku xigeen Puntland hadal jeedintiisa…

Jigjiga News
Last updated: August 8, 2025 4:31 pm
Jigjiga News
Share
3 Min Read
SHARE

Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka soomalaiyeed ee PuntlandMudane Ilyas Osman Lugatoor ayaa caawa oo ay socdaan dabaal dagyada ku saabsan munaasabada aas aaskii dowlada goboleedka Puntland jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimo la xidhiidha dowlad goboleedka Puntland.

Si guud, Dowlad goboleedka Puntland ayaa laga sugayaa in ay mar uun u hambalyayso maamulka cusub ee woqooyi Bari Somalia oo dhowaan la dhisay, inkastoo ay jireen hadalo tabasho ka muuqato oo ka imanayay dhanka Puntland, hadana xilkasnimada Dowlad goboleedka Puntland iyo kan maamulka cusub ee woqooyi bari Soomaaliya, waxay muujiyeen dadaal badan in kala aragti duwanaantu aysan isu badalin mid fogaata.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor oo uu weheliyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Ciise ayaa maanta kulan isxogwareysi la qaatay Cuqaasha, Waxgaradka , Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Boocaame iyo 11 Tuulo oo hoos yimaada.

 

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa kala war qaadasho Madaxweyne Ku-xigeenka iyo bulshada deegaanka, la shaqaynta Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Dowladda Puntland, horumarinta adeegyada bulshada, Sare u qaadida Amniga iyo adkaynta Nabadgelyada. Madaxwayne Ku xigeenka ayaa balan qaaday wax ka qabashada baahiyaha deegaanka ee waxgaradku soo gudbiyey oo uu xilsaaray Wakiil gaar ah oo arrimahaas ka shaqeeya iyada oo mudnaanta la siinayo sida ay ukala muhiimsan yihiin, isaga oo la wadaagay bulshada deeganka Mashaariicda diyaar ka ah oo ay kamid yihiin. Bilaabida Xarumaha Caafimaadka ee Tuulooyinka Buurawadal iyo Hadhwanaag, Dhismaha Iskuulka Buurawadal, Taabagelinta Isbitaalka Degmada Boocame iyada oo loo diyaarshay qalab casri ah iyo Shaqaale Xirfadoodu sarayso.

Macaanaynta Biyaha Degmada Boocame oo hada diyaar ah, Horumarinta Beeraha, Bilaabida Ceelasha Biyaha ee Fardhidin iyo Karin gorfood. Puntland ayaa kamid ah dowlad goboleedyada ugu deegaanka balaadhan iyadoo uu dhowaantan qariirada Maamul goboleedyada ku soo biiray maamul cusub oo la magac baxay woqooyi Bari somalia isla markaasna daris la noqon doona maamulada Somaliland iyo Puntland, lana sheegay in caasimadiisa labaad noqon doonto magaalo xeebeeda laas qoray. Madaxwayne ku xigeenkan ayaan horay u ahayn mid warbaahinta ku badan, balse wakhtigan uu socdo dhismaha maamulka Cusub ee Horay loo odhan jiray Khaatumo hadana loo yaqaano woqooyi bari ayaa u muuqda in uu isha ku hayo maamulkan cusub ee dhismihiisu hada uun dhamays tirmay maalmaha soo socdana la filayo in doorasho cusub lagu qabto magaalada xarunta u ah maamulkan ee Laascaanood.

jigjiga news

info@jigjiganews.com

 

Please subscribe

You Might Also Like

Furitaanka Biyo xidheenka wayn ee itoobiya…Faalo kooban.

Deg deg: Cabdiqaadir Firdhiye oo ku guulaystay Madacwaynenimada Woqooyi Bari Somalia…Read More

Deg deg: Dhagayso Natiijada Doorashadii woqooyi Bari Somalia iyo Firdhiye oo…

Wax badan ka ogow fursadaha iyo caqabadaha Musharixiinta ugu tunka wayn Woqooyi Bari Somalia…Read More

Doorashada Woqooyi Bari Somalia oo bari dhici doonta iyo Ina Jabuutaawi oo laga reebay musharixiinta…Read More

Delivering timely, reliable, and engaging content from the Horn of Africa and beyond. Stay updated with compelling stories, insightful perspectives, and real-time coverage that informs and inspires every day.

Sign Up For Daily Newsletter

Be keep up! Get the latest breaking news delivered straight to your inbox.
[mc4wp_form]
By signing up, you agree to our Terms of Use and acknowledge the data practices in our Privacy Policy. You may unsubscribe at any time.
Share This Article
Facebook Twitter Copy Link Print
Share
Previous Article Sheeko xariir hore “Lafta madhan baa ina dishay”
Next Article Yaa doonaya oo jecel in Itoobiya iyo Eriteria dagaal dhex maro? Xogaha qarsoon
Leave a comment Leave a comment

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest News

The inauguration of the Ethiopian Renaissance Dam and grand opening around the corner.. Read More
News August 29, 2025
DHAGAYSO: Hadal jeedintii Hamza Warfa ee Nairobi.
Wararka August 28, 2025
Nin gobolka Texas ee dalka Maraykanka ku dilay laba nin oo sheegay in ay Boolis yihiin..Read More
Wararka August 25, 2025
DHAGAYSO: War saxaafadeedka shir Nairobi ka dhacay oo lagag cabanayo xukuumada DDS+Xog dheeraad ahg
Wararka August 25, 2025

Subscribe to Our Newsletter

[mc4wp_form id=2468]
Jigjiga News

Delivering timely, reliable, and engaging content from the Horn of Africa and beyond. Stay updated with compelling stories, insightful perspectives, and real-time coverage that informs and inspires every day.

  • +254 722 249810
  • info@jigjiganews.com

Quick Links

  • Editorial Policy
  • Contacts
  • Privacy Policy
© 2025 Jigjiga News. All Rights Reserved.
WhatsApp us
adbanner
pl
Our site is an advertising supported site. Please whitelist to support our site.
Okay, I'll Whitelist
Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?