Madaxwaynaha Somaliland madaxwayne cabdiraxman Cirro oo booqasho ku marayay magaalooyin ay kamidyihiin Berbera iyo Burco ayaa shacabka Burco u balan qaaday in qiimaha korontada la dhimayo, iyadoo qiimaha laga soo dhimayo 0.8 lagana dhigayo 0.5 Tan oo ay reer Burco si wayn u soo dhoweeyeen.
Intuu xilka hayay madaxwayne Cirro, waxyaabaha lagu qiimayni karo waxaa ugu horeeya in colaadihii ugu xumaa ay joogsadeen isla markaasna hada aysan jirin colaad rasmi ah oo ka holcaysa meelihii horaan loogu dagaalami jiray. Arrintan ayaa ah talaabo wanaagsan oo lagu xasuusan doono Madaxwayne cirro, iyadoo la wada ogsoonyahay in Soomaali qaybna aan xoog lagu muquunin karin, heshiis iyo wadatashi mooyaane, si lamid ah sida Hargeysa ay dowladii kacaanku xoog ugu muquunin kari wayday ilaa markii danbe ay dowladii burburtay.
Hoos ka dhagayso khudbada madaxwayne Cirro