Ra’iisulwasaara Abiyi Ahmed ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta kala duwan kaga hadlay Buug cusub oo uu dhowaan qoray oo noqonaya midkii Afraad ee uu qoro tan iyo markuu isbadalku ka dhacay dalka sanadkii 2018 kii.
Waraysigan oo suaalo badan uu wadyiiyay wariyuhu ayuu ku sheegay in barwaaqada wadajirka ahi ay tahay wax lagu gaadho iskaashi iyo muwaafaqo ee uuna ahayn wax lagu gaadho raadinta sharaf dheeraad ah oo xad dhaaf ah iyo dhaqaale xad dhaaf ah oo si dhakhsa ah loo helo.
Waraysigan ayuu sheegay in qofkii wakhti ka soo horjeedsaday dowlada Medemer ee mucaarad ku noqday xiliyo hore, qofkii fikirkaas ka soo laabta ee fahma jihada wakhtigan dalka loo wado in la soo dhowayni doono isla markaasna dowlada lagu soo dari doono. Siyaasadaha fikirka ka aradani waxay inaga leexinayaan u jeedkii iyo qorshihii la doonayay in itoobiya baqwaaqo lagu gaadhsiiyo.
Buugaagta uu qoray DR.Abiyi ee Medemer ayaa marar kala duwan loo qabtay bandhig xafladeed ama baalfur iyasagoo marar kala duwan ugu baaqay madaxwayneyaasha maamulada deegaanada dalka ka jira u sheegay dhaqaalaha buugan ka soo baxa in lagu dhiso goobaha taariikhiga ah ee dalka ku yaala. Dhanka kale wuxuu sheegay in qorshaha dowladu uu ahaa mid hufan oo xawaare dheereeya ku socday, kaas oo aysan abeeso waxba ka qaadi karin masna uusan xataa waxba ka qaadi karin, arrinkan oo uu ula jeeday in cid kasta oo isku dayday in ay nidaamka dowladnimo ee uu hogaamiyo burburisaa aysan ku soconin xawaare u dhigmi karay midka dowladiisu isbadalka ku hogaamisay.
Hoos ka dhagayso war bixinta oo kooban oo afsomali lagu turjumay
jigjiganews.com
info@jigjiganews.com