Arsenal oo kooxda leeds kabaha la dul martay…Read More
Naadiga Arsenal ayaa qaybtii hore ee ciyaarta kabaha la dul maray kooxda leeds oo ay ciyaar kulul oo xiiso badani ku dhex marayso Garoonka ciyaaraha ee Emirates.
Goolasha yaa u dhaliyay Arsenal maanta?
Naadiga Arsenal oo marti galinayay kulankan ayaa u muuqda kuwo u awood sheeganaya Naadiga ay iska hor yimaadeen ee leads iyagoo halkii horeba ka dhaliyay laba gool, halka kooxda leads ay keentay ever. Goolashan ayay kooxda Arsenal waxaa u dhaliyay Jurrien Timber ayaa daqiiqadii 34aad halka Bukayo Saka uu goolka labaad dhaliyay isla markaasna shabaqa ku hubsaday daqiiqadihii lagu daray ciyaarta.
Ciyaartooyga Gyökeres ayaa daqiiqadii 48aad gool saddexaad shabaqa ku hubsaday, halka Timber uu daqiiqadii 56aad mar kale goolkii labaad u sexeexay kooxdiisa.
Imisa dhibcood ayay Arsenal hada leedahay?
Kooxda Arsenal ayaa ciyaartoodii hore kooxda Manchester United gurigooda ku garaacay igagoo ciyaar u muuqatay in laga awood badnaa kaga badiyay hal gool iyo waxba, halkaasna ay kala hoyatay saddex dhibcood oo aad muhiim ugu ahayd naadiga Arsenal xili ciyaareedkan Premier league ga.
Arsenal ayaa sidaas ku yeelanaysa 6 dhibcood oo ka dhigaysa naadiga kaalibta koobaad la haysta Tottanham oo iyaduna lix dhibcood leh, kadib markii ay manchester City ku dur durisay isla kulankii maanta ku dhex maray Etihad Stadium.
Halka Chelsea ay kaalinta saddexaad cidhiidhyatay iyadoo leh afar dhibcood, waxaa kaalinfa afraad ku jira liverpool iyo Manchester City oo iyagu leh min saddex dhibcood. Kooxda leads ayaa iyadu hoos ugu guuri doonta kaalinta 11aad, kadib guul daradii maanta ah kala kulantay kooxda Arsenal oo gurigeeda qoor sagaaro la dhigtay naadiga Leads United. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay Arsenal oo la hoyatay guul buuxda oo awood sheegasho ku dheehan tahay, kadib markuu garsooraha ciyaartu siidhiga yeedhiyay kadib markii ay dhamaadeeb daqiiqadihii koobnaa ee u danbeeyay ee lagu daray ciyaartu.
Jigjiganews.com
Info@jigjiganews.com