Arsenal oo guul qirinqiir ah ku bilowday horyaalka Premier League.
Naadiga arsenal ayaa guul dirqi ah Hal gool iyo waxba saddex dhibcood kaga xayuubsatay naadiga Manchester United.
Kulanka ciyaartan oo ka dhacay Old Traffod ayuu laacibka Arsenal u ciyaara ee Riccardo Calafiori daqiiqaddii 13 shabaqa naadiga manchester United la haleelay gool uu madaxa ku dhaliyay, goolkaas ayaa noqday midka guusha saddexda dhibcood ah raaciyay naadiga Manchester.
Manchester United ayaa ciyaartan niyad jab wayn kala kulmay, maadaamo ay iyagu marti galinayeen ciyaartan laguna ciyaaray guriga Manchester United ee old Traffod.
Chelsea oo barbaro dhac la gashay Crystal palace.
Naadiga Chelsea ayaa barbaro galay kadib markii kulankoodii maanta ay isku wajeheen Crystal Palace uu ku soo dhamaaday 0-0.
Naadiga Crystal palace oo xagaagan hanatay koobka FA cup loo yaqaano ayaa muujisay difaac aad u adag iyo ciyaar xiiso leh oo ay wado iskaga mariyeen naadiga Chelsea oo kamid ah naadiyada waa wayn ee hanka wayn laga qabo in ay guulo wax ku ool ah ciyaaraha u horeeyaba soo hooyaan.
Maxay tahay sababta Hansi Flick uu digniinta ugu soo diray ka hor intuuna imaanin Rashford…?
Xidig kamid ah naadiga Barcelona ayaa digniin u diray isagoo sheegay tababare Hansi Flick in uuna aqbali doonin, arrinkan ayaa ka danbeeyay kadib markii uu naadigan ku soo biiray Marcus Rashford oo uga yimid dhankaas iyo Man united.
Jigjiganews.com
Info@jigjiganews.com