Warar todobaadyadii u danbeeyay isa soo taraya ayaa sheegaya in ay jiraan xoogaga isbiirsaday oo wada mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaaraha Somalia, Hamze Cabdi Bare, kaas oo ay dabada ka riixayaan qaar kamid ah xildhibaanada xukuumada Federalka Somalia.
Ma aha markii u horaysay ee ay soo bexeen warar noocan oo kale ah, waxaa jirtay dhowr mar oo hore oo ay soo duuleen warar sheegaya in qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia isku dayeen in Ra’iisulwasaaraha Xilka laga qaado iaydoo loo qaadayo codka kalsoonida, balse dhamaan isku dayadaasi waxay ku soo dhamaadeen fashil iyo dhamaad.
Doorkan maxaa cusub?
Wakhtigan waxaa soo dhowaatay doorashadii ka dhici lahayd dalka Somalia, iyadoo aysan wali muuqanin saan saan u diyaarsan doorashadii la yaqaanay ee teendhada lagu gali jiray, marar kala duwana xukuuda Federalka Somalia ay si cad u sheegtay in Dalka laga hir galin doono doorasho qof iyo cod ah, taas oo iyada lafteedu aan muuqan in lagu hirgalin karo mudadada xilka uga hadhay xukuumada wakhtigan xilka haysa.
Ma xalbaa in wakhtigan xilka laga qaado Ra’iisulwasaare Xamse?
Wakhtigan kala guurka ah xilka qaadis lagu sameeyo Ra’iisulwasaaraha Somalia, wuxuu kaliya muujin doonaa damaca la xidhiidha xil ku guulaysashada xukuumada wakhtigan talada haysaa ay qorshaynayso, dhanka kale, waxaa muuqanaysa in qorshahan looga gol leeyahay sidii loo heli lahaa xildhibaanada ka tirsan baarlamaabka Federalka Somalia ee ka soo jeeda deegaanada Jubbaland iyo Puntland iyadoo wakhtigan uu liito xidhiidhka u dhexeeya dowlada Federalka Somalia iyo midka labadan maamul goboleed.
Hadaba xal maaha in Ra’iisulwasaare Xamse wakhtigan xilka qaadis lagu sameeyo, badalkeeda qorshaha ugu wanaagsan ee ay xukuumada Federalka Somalia samayni karto ayaa ah in dowlada Federalku fidiso gogol heshiis oo ay ku casuumayso maamulada Puntland iyo Jubbaland, isla markaasna ergooyin loo diro labadaas maamul goboleed, si doorashada ka hor loo dajiyo qorshe la isku waafaqsan yahay oo lagu aadi karo doorashada xiligeedii soo dhowaaday ee laga sugayo dalka Somalia bilaha soo socda, isla markaasna looga gaashaanto in uu dhoco firaaq siyaasi ah, oo ay xilka ku kordhisan karto xukuumada Federalka Somalia iyadoon u marin habraac sharci ah oo toosan oo sharciga waafaqsan ama aan wada ogol ku imaanin.
Wada hadal kasta iyo heshiis kasta oo dhex mara dowlada Federalka Somalia iyo maamul goboleedyadu wuxuu xukuumada federalka Somalia siinayaa awood aan ciyaar ahayn oo ay wakhti kooban ku hirgalin karto arrimo cul culus oo waxku ool ah, halka khilaaf kasta oo maamul goboleedyada kala dhexeeyaa uu ku noqon doono caqabad adag oo sida looga gudbaa ay adkaani doonto.
Dowlada Federalka Somalia ayaa qaaday dhowr talaabo oo lagu weerarayo maamulka Jubbaland, kuwaas oo indheer garadka ula muuqday qadwal qaldan oo lagu ragaadiyay cududii dowlasa federalka Somalia ay ku faani lahayd isla markaasna sifiican ay uga faa’iidaysan kari lahayd.
Halkee laga bilaabi karaa dib u heshiisiin dhex marta Jubbaland iyo dowlada Federalka Somalia?
Marka hore waa in gabi ahaanba la joojiyaa colaada ka socota Gobolka Gedo ee ka torsan Jubbaland oo maamulmihii u danbeeyay ay ka jireen colaado u dhexeeya ciidamo ay leedahay jubbaland iyo kuwa dowlada federalka Somalia oo khasaare kala duwan gaystay, isla markaasna maamulka loo madax baneeyo maamul goboleedka jubbaland isla markaasna loo gudbi qaabkii dalka Somalia looga hirgalin kari lahaa doorasho wada ogol ah oo wakhtigeeda ku dhacda.
Waa in dowlada Fedelka Somalia ay ka laabato waraaqdii waaranka ahayd ee marar hore u soo jartay madaxwaynaha dowlad goboleedka jubbaland isla markaasna Jubbaland ay dhankeeda ka laabato waraaqihii ay u jartay madaxwyanaha dowlada Federalka Somalia ee jawaabta u ahayd tii ay federalku soo jareen.
Waa in dhamaan cuno qabataynaha saaran dowlad goboleedka jubbaland laga qaado iyadoo loo fasaxato diyaaradihii jihooyinka kala duwan uga soo socdaali jiray jubbaland, si isu socodka dadwaynuhu oo caadi ugu soo laabto.
Waa jn Jubbaland loo fasaxo dhamaan lacagihii kabitaanka ahaa ee ay ka maamul goboleed ahaan xaqa u lahayd iyadoo waliba la soo raacinayo dhaqaalihii federalka ku baaqday bilihii ama sanadihii isfahan darradu ay ka dhex jortay federalka iyo Jubbaland.
Inkastoo ay jiraan gaabis iyo qaladaad badan oo dhacay intuu xilka hayay Ra’iisulwasaare Hamze cabdi bare, hadana wuxuu noqon doonaa ra’iisulwasaarihii ugu wakhtiga dheeraa ee soo mara dalka Somalia tan iyo intii la dhisay dowladihii ku yimid dib u heshiisiinta Somalia.
Jigjiga news
Info@jigjiganews