Ciida sanadkan 2026 goorma ayay ku beegan tahay…?
BREAKING NEWS | The crescent moon has NOT been sighted in Saudi Arabia. Therefore, #EidAlFitr will be celebrated on Friday, 20th March 2026.
May Allāh allow us to utilise the remaining moments of this blessed month to engage in that which pleases Him, may He accept our siyām, qiyām & a’māl and may He allow us to witness many more Ramadāns in good health. Āmīn.
Qoraalkani waa akhbaartii u danbaysay ee la xidhiidha Ciida, Sucuudiga oo haystack qalab heer sare ah, isla markaasna haya masuuliyada guryaha barakaysan ayaa sheegay in aan maanta la arkin bishi, sidaas darteedna ay bari oo khamiis ah tahay soon Lana dhamays tirayo 30 ka bisha Ramadan. Sidaas darteed bari waa dhamays tirka sodonka bisha Soon.
Sanadkan 2026 taariikhda maalaadiga ama 1447 taariikhda hijrigu sanadkan waxay ku aadan tahay maalmaha soo socda.
Sida aad la socotaanba sanadkan waxaa loo kala soomay laba qaybood, dadka qayb ayaa maalin ka danbaysay markuu sucuudigu sheegay in la arkay dayixii oo ay soon tahay, halka in badan oo dadka kamid ahna ay la soomeen boqortooyada Suciidiga.
Sanadkan wakhtigee ayay ku beegan tahay Ciida fitrigu?
Maxay munaasab u tahay in Sucuudiga la raaco marka ay noqoto ciidaha iyo soonka, gaar ahaan bulshooyinka Gewska Africa iyo qaarada Aasiya?
Dowlada Boqortooyada Sucuudigu waa dowlada gacanta ku haysa labada xaram ee barakaysan, Makka iyo Madina, waana dowlad leh wasaarad horumarsan oo u taagan arrimaha islaamka gaar ahaan ilaalinta Ciidaha muslimiinta ee kala ah ciida Fitri ga iyo Ciida Wayn ee Adxa.
Ka sakow in wasaarada arrimaha diinta iyo awqaafta ee Sucuudigu ay ilaaliso taariikhda sanadka oo dhan si loo sugo maalmahan ku wayn umadaha Islaamka ah, hadama waxay haystaan qalab iyo diyaarado hawada sare loo kiciyo oo daruuraha lagaga dul maro si loo sugo bilshada bilaha kala duwan ee Ramadaanka iyo mida Xajka.
Hadaba, marka laga hadlayo aragti ku sooma aragtina ku afura, macnuhu maaha in loo jeedo koox gaar ah ama qariirad wadan oo gaar ah ee waxaa lala hadlayaa mujtamaca Muslimiinta ah ee dunida oo dhan, maadaamo cibaadadu isku mid tahay, suciidga iyo Africa na isku saacad yihiin dhanka wakhyiga. Hadaba hadii aad joogto Riyad oo ah caasimada Sucuudiga iyo hadaad Joogto Nairobi, ama muqdisho iyo Addis Ababa, wakhtiga kuma kala duwana magaalooyinkaasi, waana isku wakhti, sidaas darteed, waxaa munaasab ah haduu Sucuudigu xaqiijiyo bisha Soon bilashadeeda ama Bisha soon fur bilashadeed waxaa munaasab ah in lagu waafaqo, iyadoo la ilaalinayo arrinaha soo sccda.
1. Sucuudiga waxaa ku yaala baytkii Rabi, waxaana ku nool aqoon yahano ku takhasusay arrimaha islaamka iyo culimo Rabigooda ka baqa, sidoo kalena Rabigood yaqaana oo aqoon buuxda u leh, cid ka Alle ka cabsi badana aysan jirin cid lamid ah mooyaane.
2. Sucuudigu wuxuu ku bixiyaa arrimahan dadaal aad u tiro badan, iyagoo isticmaala ilaalinta bilashada iyo dhamaadka bilasha sanadka oo dhan, si loo ilaaliyo taatiikhda maalmaha munaasabka ah, isla markaasna lagu kabayo qalab casri ah oo lagu raadinayo bilashada ama dhalashada Bisha, qalabkaas oo aysan haysan dalal badan oo islaam ahi.
3. In sucuudiga la waafaqaa waxay krenaysaa muwaafaqo iyo midnimo umadeed waxaana meesha ka baxaya kala tafaraaruqa iyo khilaafka, midnimaduna waa aas aaska jiritaanka iyo samaybta mustaqbal wanaagsan oo umadeed.
Hadana, bisha barakaysan ee Ramadaan habeenka ay dhamaanayso halkan kuma saadaalin karno oo waa wax aan wali la gaadhin, balse waxaan leenahay ka bahna jigjiganews.com ahaan, Shacabka Muslimiinta ahi ha ku dadaalaan in la waafaqo boqortooyada Sucuudiga oo haysata qalab wanaagsan oo ay ku raadini karaan bisha oo aysan isha caadig ahi arki karin, meelaha qaarna daruur ay qarini karto, balse iyagu awooda in ay helaan qalab bisha lagaga daalacan karo daruuraha dushooda, iyadoo xataa aad u yar.
Afeef: Qoraalkani wuxuu gaar u yahay aragtida qoraaga, waana cabir iyo talo bixin guud, balse kama turjumayo fatwo culimo ama xukun shareeco oo daliil ku salaysan, waa aragtida qoraaga qoray qormadan. Qormadani waa talo jeedin iyo xog waran ku saabsan Ciidaha muslimiinta ee dunida si guud, kuma wajahna bisha sanadkan oo kaliya, waana talo bixin umada muwaafaqadeeda lagu ilaalin karo, iyadoo sidoo kale qormadan lagu kabay in Sucuudigu ay awood qalab iyo mid caqiido oo lagu kalsoon yahay leeyihiin, munaasabna ay tahay in la waafaqo marka laga hadlayo arrimaha ciidaha islaamka iyo wixii lamid ah.
Bahda Jigjiganews.com waxay hawada idiin soo marinaysaa hambalyo hor dhac ah oo la xidhiidha ciida inagu soo food leh ee ay inaga xigto maalin ama laba maalmood, farxad ku ciida ayaanu idin leenahay, wakhtiga kooban ee hadhayna ka faa’iidaysta sidii aad Alle u caabudi lahaydeen ee Alle danbi dhaafkiisa aad u raadini lahaydeen.
Ciida ayaa ku aadan Khamiista ama jimcaha inagu soo aadan, hadba waxay ku xidhan tahay maalinta ciidu wakhtiga la arko bisha, iyadoo dalalka qalabka wax lagu raadiya haysta sida sucuudiga, imaaraadka iyo Qatar la filayo in ay bari danbe oo khamiis ah bilaabi doonaan raadinta bisha soon fur ee sanadkan.
Halkan isha ku hay maalmaha soo socda si aad u hesho wararka cuida iyo akhbaaraha caalamka oo dhan.
Ugu danbayn, ciidu waa jimcaha soo socda ee bari danbe ah, soon wanaagsan, Ciidana alle ha inagu Simon jimcaha.
Ku xidhnow: Jigjiganews.com si aad u hesho warar sugan, qoraalo ku saabsan arrimaha bulshada iyo qormooyin xiiso leh.
Hoos ka daawo muuqaal kooban oo faah faahsan

Leave a Reply