Daawo muuqaalka Trump oo UK waji gabax ku riday iyo shiinaha oo Iran garab istaagay…Read More
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dalka ingiriiska u sheegay in aysan markabkooda dagaalka iyo diyaaradaha dagaalka waxba hada soo dirin, Madaxwayne Trump ayaa arrinkan sabab uga dhigay in hada ay Maraykanku guushii gaadheen sidaas darteedna aan loo baahnayn in haatan Ingiriisku uu soo diro markab iyo diyaarado dagaal midna, Trump wuxuu yidhi, “Starmer, iska hayso maraakiibyaada iyo diyaaradahaaga, ma markaanu guulaysanay ayaa noo soo gurmani”.
Hadalkan ayaa imaanaya kadib markii uu Ra’iisulwasaaraha UK shalay sheegay in dalkaasi uu soo dirayo markabkiisa ugu wayn ee diyaaradaha xambaara, si uu qayb uga noqdo dagaalka ka dhanka ah dalka Iran.
Daawo muuqaalka koobaad.
Shiinaha oo Iran Garab istaagay
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in dagaalka lagu qaaday Iran uu yahay mid aan waafaqsanayn shuruucda caalamka isla markaasna aysan suurto gal ahayn in isbadal lagu sameeyo dowlada kacaanka ah ee ka jirta dalka Iran.
Wasiirka arrimaha dibada oo ka hadlayay munaasabad qaran oo dalkaasi shiinaha dhexdiisa ka socotay, ayuu sheegay in aan loo noolaan karin sida duur joogta, isagoo ula jeeday in shuruucda caalamiga ah la ilaaliyo kaliya ayaa duur joogta lagaga duwanaani karaa.
Dhanka kale, wasiir wan Yi ayaa wacad ku maray in dalkiisu uu si joogto ah u garab taagnaani doono dalka Ruushka oo dagaal kula jira dalka Ukraine oo garab ka helaya Maraykanka iyo reer Yurub.
Daawo muuqaalka labaad
Wuxuu yidhi, “Waxaanu sii wadi doonaa taageerada dhow ee aan u fidino dalka ruushka iyo garab istaaga uu naga helo, waxaana ku xidhan saaxiibtinimada yada.
Dhanka kale, wakhti uu bariga dhexe galayo xaalad hubanti ka’aan ah, ayaa waxay wararku sheegayaan in dalka Ruushku uu si wayn uga faa’iiday colaada ka jirta bariga dhexe, isagoo suuq wanaagsan u helay shidaalka dalka ruushku uu dhoofiyo.
Arrinkan ayaa loo sababeeyay marinka Hormuz ee la xidhay iyo xaaladaha cakiran ee ka taagan dalal bariga dhexe, tan iyo intuu bilowday dagaalka lagu qaaday Iran.
Dalalka Carabta ayaa war ay soo saareen ku sheegay in hadii ay Iran duqaymaha ka joojin waydo ay, iska caabin doonaan waxa ay ugu yeedheen duqaymaha gardarada ah ee lala beegsanayo iyagoon dagaalka qayb ka ahayn, dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa si cad ugu digay dalka Iran, iyagoo sheegay inaan loo duq qaadan karin duqaymaha gardarada ah ee dalalkooda lala beegsanayo. Shalay ayay ahayd markii airport ka wayn ee Dubai lala beegsaday gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, wakhti garoonku uu ahaa mid aad mashquiul u ah, oo ay ka dhoofayeen kumanaan qof ah oo rakaab ahi.
Daawo muuqaalka sddexaad
Nagala soo xidhiidh
Jigjiganews1@gmail.com
Jigjiganews.com

Leave a Reply