Madaxweynaha Soomaaliya, oo soo dhammaystay safarradii Qadar iyo Masar ayaa maalinta Isniinta ah dib ugu noqonaya Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo koobay socdaalkiisa dibadda ay dalka soo gaaraya si uu horkaco shirka Mucaaridka iyo Dowladda.
Wadahadalo gaar gaar ah oo dhexmaray qaybo katirsan Madaxda Mucaaridka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa la iskula meel dhigay inaysan dib udhac danbe wajihin gogasho shirku.
Golaha Mustaqbalka ayaa si wayn u diidan tallaabooyinka Madaxweyne Xasan ku riixayo inuu dastuur cusub ku samaysto kaas oo ka turjumaya rabitaankiisa, sida ay ku eedaynayaan mucaaridkiisu.
Dhankiisa, Madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud ayaa doonaya in Khamiista la isu yimaado, isaga oo ansaxsaday dastuurka, wadahadalkuna ka bilowda farsamada doorashada, oo aan dood lagelin nooca oo ah Qof iyo Cod.
Mucaaridka oo wata ajande siyaasadeed oo ku kooban doorashada ayaa cuskanaya xaalka dalka iyo in doodda lagu dul-dhiso dastuurkii 2012.
Hoos ka daawo muuqaal kooban oo ku saabsan war bixintan.