Waxaa Aroornimadi hore ee arbacadi, oo ku beegnayd maalinti shalay ay ciidamo tiro badan oo kamid ah kuwa argagixisada Alshabaab weerar ku qaadeen magaalada Kudha, dagaalka oo adkaaday waxaa magaalada qaybo kamid ah gaar ahaan hal xero ciidan, oo kamid ah sadex xero ciidan oo ciidamada Jubbaland ku lahaayeen magaalada baneeyay ciidanka Jubbaland kuwaas oo isku urursaday xerooyinka kale ee magaalada iyo duleedka si xeelad dagaal ah.
Niskii hore ee shalay waxaa la kala gurtay dhaawaca iyo maydka labada dhinac, balse niski dambe ee shalay ayuu dib u qarxay dagaal xoogan kadib gurmad ciidan oo ay heleen ciidanka daraawiishta Jubbaland, sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee ciidama Kenya ayaa niska dambe dagaalka ka qayb qaatay iyadoo la arkayay muuqaalada duqaymaha oo lagu baahiyay baraha bulshadu ku wada xidhiidho.
Ugu dambayn Alshabaab ayaa isku dayday shalay niskii dambe iyo xalay inay ka baxaan magaalada balse ciidamada Jubbaland ayaa go’o doomiyay, iyadoo go’aanka iyo u jeedka go’odoominta ciidanka Jubbaland uu ahaa in aysan wax ciidan ah oo badbaaday ka noqon magaalada Kudhaa guud ahaan, si kooxda weerarka soo qaaday iyo la soo afjaro gabi ahaanba.
Muuqaalo xalay la soo duubay ayaa muujinaayo askarta Jubbaland oo dagaalo goos goos ah kula jirto argagixisada kuwaas oo wadooyinka laga xidhay.
Subaxnimada hore ee saaka oo Khamiis ah ayuu mar kale dib u qarxay dagaal argagixisada ay ku ekeeyeen ciidamada Jubbaland si loo cidhibtiro maleeshiyaad kooxdan argagixisada ah waxaana ilaa hada magaalada kudhaa ka socda baacsiga hadhiigii kooxdii soo weerartay magaalada kudhaa iyadoo la filayo wakhti aan dheerayn in kooxdan ku go’odoonsan gudaha magaalada kudhaa la soo afjari doono.
Warar hordhac ah oo ay heshay jigjiganews ayaa sheegaya in subax hore ba ay ciidamada Jubbaland ka fara xasheen kooxdan isla markaasna hada ay ciidanka jubbaland ku mashquulsanyihiin sidii ay maydka kooxdan u soo ururin lahaayeen si ay warbaahinta ugu soo ban dhigaan, dhanka kale waxaa gacan ku haynta magaalada kudhaa iyo nawaaxugeeda si buuxda ula wareegay ciidamada Jubbaland.


Leave a Reply