Wararka aan ka helayno buuraha calmiskaad ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay weerar xoogan ku qaadeen goobo horleh oo kooxaha guracan ay ku dhuumaalaysanayeen, weerarkan oo la sheegay in u jeedkoodu ahaa sidii kooxda looga soo afjari lahaa guud ahaanba dhulka Puntland.
Ciiadamada Puntland ayaa bilihii u danbeeyay ku howlanaa sidii deegaanada Puntland gabi ahaanba looga xorayni lahaa kooxa argagixisada ah, oo sanado ku dhuumaalaysanayay buurolayda Puntland.
Dowlada Federalka Somalia, ayaa la sugayaa in ay dhaqaale ahaan iyo dhanka saanada iyo hubka ka taageeri doonto maamulka Puntland, iyadoo ay gaba gabo ku sii dhowyihiin howlgaladii lagu soo afjarayay kooxahan guracan.