By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use.
Accept
  • +254 722 249810
  • info@jigjiganews.com
  • Get in touch
Jigjiga News
  • Home
  • News
  • Wararka
  • Arrimaha bulshada
  • Technology
  • Entertainment
  • Articles
  • Places
  • Videos
  • Products
Reading: Hadii biyo xidheenkii waynaa ee itoobiya Buuxsamay, mushkuladii wabiga Nile ma xalismi doontaa? Faah faahin
Share
Jigjiga NewsJigjiga News
Font ResizerAa
Search
  • Home
  • News
  • Wararka
  • Arrimaha bulshada
  • Technology
  • Entertainment
  • Articles
  • Places
  • Videos
  • Products
Follow US
  • Advertise
© 2025 Bangi Tales. All Rights Reserved.
Jigjiga News > Blog > Wararka > Hadii biyo xidheenkii waynaa ee itoobiya Buuxsamay, mushkuladii wabiga Nile ma xalismi doontaa? Faah faahin
Wararka

Hadii biyo xidheenkii waynaa ee itoobiya Buuxsamay, mushkuladii wabiga Nile ma xalismi doontaa? Faah faahin

jigjiga news

Jigjiga News
Last updated: August 8, 2025 9:27 pm
Jigjiga News
Share
6 Min Read
SHARE

 

Geeska Africa oo ka nasan doona colaadihii xuduudaha ka gudbayay…Faah faahin.

 

Waxaa mudo sanado ah soo socotay eedaymaha uu dalka Masar u diri jiray dalka itoobiya, iyadoo eedaymahaasi ay salka ku hayni jireen biyo xidheenka wayn ee dowlada itoobiya sanadihii u danbeeyay ay ka waday wabiga Nile ka.

 

Masar ayaa marar badan ka caban jirtay biyo yaraan ay sababi karto buuxinta barkada wayn ee baaxadeeda dunida oo dhami ka war hayso.

 

Hadana ugu danbayn waxaa buuxsamay oo afka kore maray barkada wayn ee loo yaqaan grand Dam, taas oo shacabka iyo dowlada itoobiya ay ku bixiyeen malaayiin lacag ah si loo hirgaliyo.

 

Wartan wayn, ayay reer itoobiya u isticmaali doonaan dhanka soo saarka quwada korontada iyo kaluumaysiga, taas oo laga rajo qabo in itoobiya ay dibada u dhoofin doonto koronto qiimo jaban ah oo tayo sare leh.

 

Laga bilaabo bishan aan ku jirno, waxaa si toos ah biyaha oo isku duuban u gudbin doona wabiga Nile ee dhanka itoobiya ka yimaada, isagoo u gudbin doona wadamada kale ee ka faa’iidaysta biyaha wabiga Nile oo ay kamid yihiin Sudan iyo masar. Warkan ayaa dabcan noqon doona mid farxad galin doona shacabka reer masar, mar hadii biyihii oo aan marna is dhimin ay buuxsantahay barkadii reer itoobiya ay qoteen ee baaxada lahayd.

 

 

Somalia iyo itoobiya oo is afgarad gaadhay

Dowladaha Somalia iyo itoobiya waxay si buuxda xal uga gaadheen isfahan darradii dhanka wada shaqaynta, kadib safarkii uu madaxwaynaha Somalia ku tagay caasimada dalka itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo uu u tagay shirar ka socday todobaadyadii la soo dhaafay.

 

Dowlada itoobiya ayaa danjire cusub todobaadkan u soo dirtay dalka Somalia, si labada dal ay isaga kaashadaan dhanka amniga, ganacsiga iyo horumarka ka socda geeska Africa.

 

Xiisada u dhexaysa Jubaland iyo dowlada Federalka Somalia.

 

Tan iyo intii ay dhacday doorashadii uu qabsaday maamulka Jubbaland, waxaa jiray mad madow u dhexeeyay doqlada Federalka Somalia iyo maamulka Jubbaland, iyadoo dhowr goor ay dowlada Federalka ahi ciidamo ku soo weerartay deegaano ka tirsan maamulka jubbaland, taas oo sare u sii qaaday isku muruga khilaaf ee u dhexeeya dowlada Federalka Somalia iyo tan jubbaland.

 

Isku daygii ugu danbeeyay doqlada Federalku waxay ciidan ku daabushay gobolka Gedo, iyadoo ciidankan uu horkacayo Cabdirashid Janan, oo sanado ka hor isla gobolkan dagaal ku qaaday isagoo taageeraya maamulka jubbaland.

 

Maxaa ka jira in xiisada Gedo ay dowladaha masar, Eriteria iyo itoobiya si dadban ugu jiraan?

Marka laga reebo in Gobolka Gedo xuduud la leeyahay dalalka Kenya iyo itoobiya, oo amaankooda xuduudaha ilaashanaya, ma jiraan loolan dowlado kala duwan u dhexeeya oo ka jira beled xaawo iyo Gedo, balse waxaa hubaal ah in ay jirto talo xumo siyaasi dan leh barina heshiis gali doonaa galaafanayo da’a yar iyo shacab magaaladooda ku sugnaa oo nolol maalmeedkooda la tacaalayay, wayna haboon tahay in maamul goboleedyada aan xoog in lagu muquuniyo lagu dayin ee wada hadal iyo is afgarad lagu raadiyo heshiiska, si aan shacabka loogu dul dagaalamin.

 

Xalku muxuu yahay?

Dowlad goboleedka Jubbaland marna maysan sheegan in aysan kamid ahayn dowlada Federalka Somalia, dhanka kale, dowlada fEderalku wali Gedo waxay u aqoonsantahay in ay kamid yihiin shacabwaynaha reer Jubbaland, sidaas darteed, ma jirto sabab shacabka loogu dul dagaalamo, waana in xalka laga raadiyo isfahan dhex mara madaxwaynaha Jubbaland Axmed maxamed islaam iyo dowladiisa iyo dowlada Federalka Somalia, taasi oo shacabka Gedo u furi lahayd albaab nabadeed oo ay ku nafisaan, isla markaasna soo afjari lahayd xurgufta colaadeed ee ka dhexaysa jubbaland iyo dowlada federalka Somalia.

Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa in arrimihii bada la xidhiidhay ee u dhexeeyay itoobiya iyo Somalia gabi ahaanba is afgarad ku soo dhamaaday, isla markaasna ay madaxda labada wadan is afgarad buuxa ka gaadheen.

 

Itoobiya iyo Eriteria xaalkooda.

Itoobiya iyo Eriteria waa laba dal oo daris ah, wakhtigan xaadirka ah midna dani uguma jirto in ay colaad hor leh fooda isdaraan, mana jiro qorshe colaadeed oo heer kulkiisu meel sare gaadhay, marka laga tago in gobolka woqooyi ee itoobiya aysan wali aad u xasiloonayn, taasi oo wali ay ka jirto halis colaad abuuri karta.

ugu danbayn, waxaa dhowaan xadhiga laga jari doonaa barkada baaxada leh ee shacabka reer itoobiya ay sanadaha badan dhisayeen, waxaana xadhig jarka Dam kan lagu casuumi doonaa madax badan oo ka tirsan madaxda dalalka Africa.

Jigjiga news

Info@jigjiganews.com

 

 

 

Please subscribe

You Might Also Like

Furitaanka Biyo xidheenka wayn ee itoobiya…Faalo kooban.

Deg deg: Cabdiqaadir Firdhiye oo ku guulaystay Madacwaynenimada Woqooyi Bari Somalia…Read More

Deg deg: Dhagayso Natiijada Doorashadii woqooyi Bari Somalia iyo Firdhiye oo…

Wax badan ka ogow fursadaha iyo caqabadaha Musharixiinta ugu tunka wayn Woqooyi Bari Somalia…Read More

Doorashada Woqooyi Bari Somalia oo bari dhici doonta iyo Ina Jabuutaawi oo laga reebay musharixiinta…Read More

Delivering timely, reliable, and engaging content from the Horn of Africa and beyond. Stay updated with compelling stories, insightful perspectives, and real-time coverage that informs and inspires every day.

Sign Up For Daily Newsletter

Be keep up! Get the latest breaking news delivered straight to your inbox.
[mc4wp_form]
By signing up, you agree to our Terms of Use and acknowledge the data practices in our Privacy Policy. You may unsubscribe at any time.
Share This Article
Facebook Twitter Copy Link Print
Share
Previous Article How did I heal from diabetes? A true story of a former patient who healed from Diabetes. Read More
Next Article In RW Hamze mooshin laga keenaa ma xalbaa? Qormo kooban
Leave a comment Leave a comment

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Latest News

The inauguration of the Ethiopian Renaissance Dam and grand opening around the corner.. Read More
News August 29, 2025
DHAGAYSO: Hadal jeedintii Hamza Warfa ee Nairobi.
Wararka August 28, 2025
Nin gobolka Texas ee dalka Maraykanka ku dilay laba nin oo sheegay in ay Boolis yihiin..Read More
Wararka August 25, 2025
DHAGAYSO: War saxaafadeedka shir Nairobi ka dhacay oo lagag cabanayo xukuumada DDS+Xog dheeraad ahg
Wararka August 25, 2025

Subscribe to Our Newsletter

[mc4wp_form id=2468]
Jigjiga News

Delivering timely, reliable, and engaging content from the Horn of Africa and beyond. Stay updated with compelling stories, insightful perspectives, and real-time coverage that informs and inspires every day.

  • +254 722 249810
  • info@jigjiganews.com

Quick Links

  • Editorial Policy
  • Contacts
  • Privacy Policy
© 2025 Jigjiga News. All Rights Reserved.
WhatsApp us
adbanner
pl
Our site is an advertising supported site. Please whitelist to support our site.
Okay, I'll Whitelist
Welcome Back!

Sign in to your account

Lost your password?