War deg deg ah: Rasaas ayaa la sheegayaa in dhowaan laga maqlay meel u dhow aqalka cad…Akhri qoraalka.
War hada soo dhacay ayaa sheegaya in goor dhow rasaas laga maqlay meel u dhow aqalka cad ee looga arrimo dalka Maraykanka.
Warkan oo wali aan sugayno faah faahintiisa dheeraadla ah ayaa sheegaya in ciidamada Maraykanka ee ilaalada gaarka ah ee qarsooni ay ugu jawaabeen rasaas kale oo lagu difaacayo xarunta diplomaasiyada dunida hogaanka u haysa waa aqalka cade.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxwayne Trump uu ku sugan yahay aqalka cad, si uu u dhamays tiro heshiiska Maraykanka iyo Iran oo la sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, kuna dhow yihiin gabo gabo iyo in is afgarad lagu soo afmeero colaadihii jirtay ee dunida oo dhan dhaqaale ahaan u saamaysay.
Xogta ilaa hada la helayo ayaa ah in uu nin bastoolad ku hubaysani fhanka galbeed ka soo galay Guriga cad gaar ahaan albaabka 17aad, halkaas oo la sheegay in ay gacanta ku dhigeen laamaha amaanka ee aqalka cad, iyadoo aan la wali la ogaanin bastoolada uu watay nooca ay tahay.
La soco wixii ka soo kordha.
Muuqaalo dheeraad ah hoos ka daawo
![]()

Leave a Reply