Maxaa loo xidhay ama Maxkamad loo keeni waayay Guddoomiyaha ONLF ee Gobolka Qorahay…?
Sida aan ka soo xiganay warbaahinta qoraxey online, waxaa xidhan oo xabsi ku jira mudo dheer maxakmad la’aan xubin ka tirsan xisbiga onlf oo lagu magacaabo Mudane Mohamud Jigre.
Masuulkan ka tirsan xisbiga onlf ayaa la xidhay bishii Sagaalaad ee danadkii tagay ee 2025, xubinkan masuuliyada u haya xisbiga onlf ayaan ilaa iyo hada helin wax cadaalad ah, isagoon wax maxkamad ah la hor keenin, taas oo baal marsan shuruucda bani’aadamnimada iyo shuruucda wadanka intaba.
In qof la xidhaa dhib maaha, sababtoo ah qofku danbi ayuu gali karaa, waana sababta dowladnimadu u jirto, balse Ma jirto sabab baadhitaan kooban loogu samayni waayay kiiska muwaadinkan, si loo xaqiijiyo inuu danbi galay iyo in kale, mudo kooban gudeheedna maxkamad loo hor keeni waayay, ama loo fasixi waayay haduuna danbi galin.
Nabadu waa shay qaali ah, waxa kaliya ee nabad lagu ilaalin karaana cadaalad iyo sinaan iyo in cidna aysan sj sharciga iyo nidaamka baal marsan u xidhnaanin mudo dheer iyadoon danbi lagu helin maxkamadna la gaynin.
Cadaalada iyo sinaantu waa furaha guusha umadeed, sidaas darteed dowladnimada waxaa halis ku ah cid kasta oo intay dad xidho si aan sharciga waafaqsanayn muwaadin meel ugu xidhata, waxaana saxan in la baadho dhamaan dadka dowlad deegaanka gudihiisa ku xidhan kiisaskooda, cidii soo xidhay, sababtay usoo xidhay iyo sababta ay cadaalad u heli waayeen ee maxakmad loo gayni waayay ama loo fasixi waayay mudo 21 bari gudohood ah. Mana jirto cid la haysan karo saddex todobaad ka badan iyadoon danbi lagu helin, waana in ama danbi lagu helo qofka 21 bari gudohood ama xoriyadiisa la siiyo, sidaas darteed waa in baadhitaan rasmi ah lagu sameeyo dhamaan maxaabiista deegaanka ku xidhan iyo sababaha ay u xidhanyihiin.
Falalka sharci darrada ah ee dadka lagu xidho ayaa mararka qaar noqon kara iska horkeenka shacabka iyo xukuumada, waana in cidkasta oo xidha muwaadin 21 bari ka badan maxkamad la’aan lagula xisaabtamo sida ay ugu xad gudubtay bidaamja dowliga ah iyo ilaalinta xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya shacabka iyo xukuumada. Hadii ay taasi dhici waydana waa xukuumada lafteedu iscasisho maadaama ay ku fashilantay ilaalinta xuquuqda shacabka ay xukunto. Waa waajib xukuumadeed in qof jasta oo muwaadin ahi uu helo cadaalad hadii eedayni loo soo xidho, mana jiro qof danbiile ku noqda eedayn dusha loo saaray, ilaa la xaqiijiyo 100% eeda loo haysto.
Ku xidhnow: jigjiganews.com si aad u hesho warar sugan.
Nagala soo xidhiidh: jigjiganews1@gmail.com
Jigjiganews.com, codka Shacabka dowlad deegaanka Soomaalida.

Leave a Reply