Maxaya ka dhiganyihiin wada hadalada uu Trump ugu Baaqay Iran…Read More

Maxaya ka dhiganyihiin wada hadalada uu Trump ugu Baaqay Iran…Read More

 

Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay xabad joojin hal dhinac ah iyo wada hadal, si loo helo jawi colaada lagu soo afjari karo oo dunida xaalada ka taagan Nabad ku soo celin kara.

Sida aan ka soo xiganahay warbaahinta caalamiga ah, gaar ahaan Laanta bbc da, Madaxwaynaha Maraykanka ayaa sheegay in ay Iran la leeyihiin wada hadal wanaagsan oo wakhtigan meel fiican maraya.

Warar kale oo aan ka soo xiganay warbaahinta u dhuun daloosha dhinaca Iran gaar ahaan wargaysa ama mareegta Tasnim ayaa qortay in uu Trump cararay ee uuna jirin wax wada hadal ahi, isagoo wargayskaasi sheegay in sababtu ay tahay awooda ciidan ee ay Iran la soo baxday.

Muhiimada xabad joojinta

Muhiimada xabad joojintan ayaa u muuqata mid lagu doonayo in lagu hir galiyo qorshe Dunida culays ka colaadeed lagaga qaadayo, iyadoo laga cabsi qabay in colaadani ay isu badasho dagaal saddexaad oo dunida ahi inuu bilowdo.

Hadalka madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaya iyadoo imaaraadka carabtu uu codsaday in Iran awoodeheeda saddex kamid ah la wiiqo, awoodahaas oo kala ah, awooda nuclearka, awooda gantaalaha ridada dheer iyo awooda cududa ciidan ee kacaanta Iran iyagoo arrinkaas sabab uga dhigay in iran awood badani ay halis ku tahay gobolka Bariga dhexe.

Ku xidhnow: Jigjiganews.com

Si aad u hesho warar sugan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*