War deg deg ah: Sucuuiga oo talaabadii u horaysay ee aar goosi ah qaaday + Maxaa xigi doona…?
Dowlada boqortooyada Sucuudiga ayaa qaaday talaabadii u horaysay ee Aar goosi ah ee ka dhan ah dowlada Iran, iyadoo dowlada boqortooyada Sucuudigu gabi ahaanba amar ku bixisay in dhamaan diblomaasiyiinta Iran ay isaga baxaan dalkaasi boqortooyada Sucuudiga.
Amarkan ayaa imaanaya kadib markii sucuudigu ay tan iyo markuu bilowday dagaalka Iran iyo amaraykanku ay Iran ku waday duqaymo aan kala joogsi lahayn oo khasaare badani uu ka soo gaadhay sucuudiga iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.
Iran ayaa imaaraadka carabta ugu hanjabtay in ay la kulmi doonto duqaymo halis ah oo ay la beegsan doonaan goobo muhiim ah oo kamid ah gudaha dalka Imaaraadka Carabta.
Dalka boqortooyada sucuudiga ayaa dhamaan diblomaasiyiinta, kuwa millitariga atachee ga ah iuo gabi ahaanba shaqaalaha dowlada Iran u shaqeeya ku amray in ay dalkaasi iskaga baxaan, oo gabi ahaanba ay faaruqiyaan. Arrinkan ayaa lala xidhiidhinayaa duqaymihii joogtada ahaa ee sucuudiga ku socday 22 ka bari aargudashadoodii koobaad in ay tahay. Isha ku hay talaabooyinka kale ee sucuudigu uu qaadi karo iyo guud ahaan xaaladaha dagaalka ka jira bariga dhexe.
Hoos ka daawo muuqaal faah faahsan oo ku saabsan arrinkan.

Leave a Reply