Daawo Xogta: Maxaad kala socotaa jeelasha qarsoon ee jigjiga…?
Inkastoo in badan ay xukuumada dowlada deegaanku dafirtay in ay jiraan jeelal aarsoon, hadana waxaa hubaal ah oo xaqiiqa biyo kama dhibcaan ah, in jeelal gaar ah oo madaxwaynaha deegaanku uuna ka war haynin ay jigjiga ka jiraan, iyadoo inta badan jeelashan dadka ku xidhani ay yihiin kuwo shaqsiyaad gaar ah u xidhan ee aan ahayn kuwo u xidhan danbi ay galeen.
Dhanka kale, sida uu bahda jigjiganews u xaqiijiyay qof jeelashan mid kamid ah ka soo baxay, wuxuu noo shregay in tiro ahaan dadkani gaadhayaan ilaa shan boqol oo qof, sida qofkaas jeelka ka soo baxay uu noo xaqiijiyaye, kuwaas oo ay kamid yihiin odayaal laga soo xidhay gobolka Afdheer oo aan wax maxkamad ah la gaynin dhowr sano, oo wakhtigan intay itaal gabeen qaarkood ah salka ku siqaan jeelka dhexdiisa.
Hoos ka daawo muuqaal faah faahsan oo arrintan ku saabsan

Leave a Reply