Wax badan ka ogow mushkuladaha Dowlad deegaanka ka haysta dhanka abuurista midnimo shacab…Faalo
Kadib 27 sano oo dowlad deegaanka asoomaalida ama Ogaden region hadba sidaad u taqaano ay ka jireen jabhado hubaysan oo qori caaradii ku doonaya xornimo, waxaa heshiis nabadeed qaatay xisbiga onlf sanadkii 2018 kii, iyagoo loo ogolaaday in ay xor u yihiin fikirkooda, balse looga baahan yahay kaliya in ay si nabad ah hadafkooda ugu dhaq dhaqaaqaan.
Hadaba xukuumada dowlad deegaanka ee ilaa wakhtigaas xilka la wareegtay waxay awooday in ay arrimaha soo socda mid samayso, si loo helo qorshe dowladeed oo hufan oo lagu abuurayo jawi bulshada dhexdeeda isjacayl lagaga abuurayo.
1. In cid kasta oo danbi gashay lala xisaabtamo, haday xukuumad kamid ahayd iyo haday jabhad ahaydba si loo helo cadaalad cidkastaa waxay gaysatay qoorta loo sudhayo, taasi ma dhicin.
2. In samir guud la qaato oo umada inta baaqiga ah qorshe iyo midnimo iyo isjacayl loo raadiyo, si mustaqbal wanaagsan loogu abuuro inta baaqiga ah ee shacabka ah ee colaadihii halaaga ahaa ee umulo dooxa ahaa ka soo bad baaday.
3. In dib loo dhigo isla xisaabtanka ilaa sanado go’an si dowladnimada iyo waxay qaban karto horta loo qiimeeyo isla markaasna xog ururin iyo qiinaynta jawiga lagu jiro sanado ilaa 15 sano ama 20 sano ah, si xogo hufan loo helo, jawigana loo qiimeeyo waxa suurto galka ah ee la samayni karo.
Intaas midna ma dhicib, balse waxaa jira qorshe dhoobo wareeri ah oo markay mucaaradku hadlaan si gooni ah loogu eedeeyo waxyaabo la xidhiidha xukuumadii hore, xataa kuwo aan dalkaba imanin waligood, iyagoo kuwa xukuumada wasiirada ka ahi ay 90% isla xukuumadii hore la soo shaqeeyeen.
Hoos ka daawo muuqaalka
Ku xidhnow: jigjiganews.com

Leave a Reply