Sucuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo kuwait oo shacabkiisa dibadaha ku xaniban gargaar u fidinaya

Sucuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo kuwait oo shacabkiisa dibadaha ku xaniban gargaar u fidinaya…

Dalalka khaliijka ayaa gargaar u fidinaya shacabkooda ku sugan dalka dibadiisa gaar ahaan, dalalka Maraykanka, ingiriiska, Bandgaladesh iyo guud ahaan dalalka dunida, kadib colaada ka bilaabatay bariga dhexe oo saamayn wayn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee caalamka.

Arrinkan ayaa imaanaya kadib markii ay dalalkan shacab ka soo jeeda ka dheceen fiisooyinku, taas oo keeni karta in ay dadkaasi la kulmaan ganaax lacageed oo la xidhiidha in ay wakhtigii loogu talo galay mid ka badan dalka joogeen, balse dowladaha shacabkan ayaa arrintaas si wayn ufu istaagay. Si muwaadiniinta dalalkan ka soo jeedaa ay u helaan fursad ay halka ay ku suganyihiin sharci ah ugu sii nagaani lahaayeen. Si loo xaqiijiyo ama la isu waafajiyo socdaalka muwaadiniintii iyo maraykanka.

Colaada ka aloosan bariga dhexe ayaa dalalka khaliijka si dadban u saamaysay iyadoo ay Iran gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku garaacday dalalka khaliijka oo dhan iyadoo Iran sheegtay in ay beegsanayso saldhigyada Maraykanku ku leeyahay dalalka gobolka bariga dhexe.

Ku xidhnow: jigjiganews.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*