Deg deg: Sucuudiga oo ka hadlay weerar caawa lagu qaaday+ Israel oo sheegtay in ay…Read More
Dowlada Boqortooyada Sucuudiga ayaa markii u horaysay ka hadashay weerar caawa lagu soo qaaday dalka boqortooyada sucuudiga oo ahaa gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee isqarxiya.
Wasiirka difaaca ee madaniga ah ee bortooyada Sucuudiga ayaa sheegay in dhamaan gantaalihii iyo diyaaradihii aan duuliyaha lahayn ee lala beegsaday gudaha dalka Boqortooyada sucuudiga.
Wasiirka ayaa sheegay in ay gabi ahaanba burburiyeen gantaalihii lala beegsaday, balse burburka ka soo hadhay gantaalaha la soo riday ay ku dheceen meelo kamid ah caasimada gudiheeda, wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka taxadaraan walxahan qarxa, kana fogaadaan goobaha halista ah, sidoo kalena aysan meelo isugu imaanin oo ayna ku mashquulin in ay duubaan muuqaalada waxyaabaha la soo tuurayo.
Dhanka kale, dalka sucuudiga ayaa la sheegay in uu qaban qaabinayo shir ay isugu imaani doonaan wasiirada dalalka muslimku si looga arrinsado xaalada dagaalka ee taagan.
Ugu danbayn, Israel ayaa sheegtay in ay ilaa 200 oo goobood oo gudaha Iran ah duqaysay maanta, iyadoo sheegtay in goobaha ay beegsadeen ay ahaayeen meelo lagu samayni jiray gantaalaha, meelo laga soo tuuro gantaalada iyo meelo lagu kaydiyo gantaalaha.
Hoos ka daawo muuqaalka warbixinta
Iran ayaa dhankeeda sheegatay guulo ay ka gaadhay dagaalka, iyadoo Iran sheegtay in ay iska caabiday weerarka gardarada ah ee lagu soo qaaday dalkeeda waa siday hadalka u dhigeene.
Dalka qadar ayaa isagana la sheegay in caawa jug culus loo gaystay iyadoo waraaw la sheegay in ay dowlada Qatar ka timid ah tahay mida hoos ku lifaaqan.

Ku xidhnow: jigjiganews.com, si aad u hesho warar sugan oo ku saabsan geeska Africa, dunida guud ahaan.

Leave a Reply