Daawo: Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Maraykanka…Xogo cusub
Wararka maanta ka soo baxaya dagaalka u dhexeeya Iran iyo maraykanka ayaa sheegaya in maanta uu maraykanku isu diyaarinayo siduu Marinka Hormuz xoog ugu furi lahaa, isla markaasna maraakiibta caalamka ee shidaalka iyo ganacsiga kala duwan wada ee halkaas ku sugan loo soo galbini lahaa.
Talaabasan oo dalka Faransiisku uu sheegay inuu ka gaabsanayo ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mid halis ah, isla markaasna khatar galin karta maraakiibta maraykanka iyo kuwa dalalka kale ee dunida ee halkaas ku xaniban.
Israel ayaa sheegtay in ay shirqool ku dishay madixii sirdoonka iran iyo saraakiil kale oo muhiim u ahayd kacaanka dalka Iran.
Dhanka kale, madixii la dagaalanka argagixisada ee dalka Maraykanka ee shalay iscasilaya ayaa sheegay in maraykanka iyo Israel ay ku howlan yihiin in ay meesha ka saaraan gantaaladaha iuo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran sida wayn u isticmaalayso, balse taas ay iran u aragto mid jiritaanka Iran aas aas u ah oo wali aysan sidii loo beegsaday u wiiqmin.
Hoos ka daawo muuqaalka.

Leave a Reply