Deg deg: Senegal oo laga soo celinayo koobkii African Cup of Nations iyadoo la siinayo…Read More

Deg deg: Senegal oo laga soo celinayo koobkii African Cup of Nations iyadoo la siinayo…Read More

Gudiga ciyaaraha ee qaarada Africa ee loo soo gaabiyo CAF ayaa ugu danbayn go’aankii ay guushu ku raacday Senegal waxba kama jiraan ku tilmaamay iyadoo xulka dalka Senegal laga codsaday in ay koobka iyo guusha ku wareejiyaan xulka dalka Marocco. Arrintan ayaa imaanaysa kadib markii ay gudiga ciyaaraha u cadaatay in ay xulka dalka marocco ciyaarta joojiyeen 17 daqiiqo taas oo sugan, iyadoo markii hore guusha loo diiwaan galiyay dalka Senegal iyadoo guushu ku raacday 1 iyo waxba, ayaa hada la ogaaday in 17 kaas daqiiqo ay ciyaartu hakad gashay, waxaana go’aankii hore lagu badalay in Marocco ay heshay 3 gool halka Senegal loo diiwaan galiyay in eber ama waxba, sidaasna guusjii iyo koobkii loogu wareejinayo culka dalka Marocco ee kubada cagta. Arrinkan ayaa imaanaya kadib markii ay Marocco cabasho u gudbisay gudiga sare ee CAF si loo baadho khaladaadka dhacay iyo guushii Marocco ee loo leexiyay Senegal si khaldana koobka loo siiyay.

 

Ku xidhnow: jigjiganews.com si aad u hesho warar sugan, wararka ciyaaraha iyo barnaamijyo kale oo xiiso badan.

I

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*