Wax badan ka ogow Shiinaha oo talaabo hor leh qaaday+ Japan oo…Read More
Dalka shiinaha ayaa in ka badan 30 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ku sii daayay hawada Taiwan iyadoo la sheegay in qayb badan oo kamid ah diyaaradahaasi ay ka talaabeen khadka cas ee u dhexeeya Taiwan iyo Shiinaha.
Diyaaradahan oo isugu jiray noocyada J-10, J-16 iyo kj 500. Arrinkan oo dhacay saaka subaxdii hore markay saacadubahayd 6:00 am local time, ayaa u muuqda in dalka Shiinuhu muujinayo cududiisa ciidan iyo qalabka millitary ee uu haysto si uu Taiwan u qab jabiyo.
Dhanka kale, Ra’iisulwasaaraha Japan oo arrinkan ka jawaabayay ayaa baarlamaanka dalkiisa u sheegay in dagaal kasta oo shiinuhu ku qaado Taiwan uu yahay mid halis galinaya jiritaanka iyo bad baadada dalka Japan.
Tan iyo intii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, waxaa soo kordhaysa halista ah in dunida quwadaha ka jira ay midkastaa xoog adeegsato isla markaasna dunidu ay noqoto mid uu hogaanku u go’ay oo cid kastaa tabarteeda wax ku muquuniso.
Dalalka Shiinaha iyo Taiwan ayaa sanadihii u danbeeyay xaaladi ka dhex taagnayd, iyadoo dalka Shiinuhu aaminsanyahay in Taiwan ay kamid tahay dal waynaha Shiinaha, arrintaas oo Taiwan ay ku qanci wayday.
Ku xidhnow: jigjiganews.com si aad u hesho xogo iyo warar sugan.


Leave a Reply