Ukraine iyo Maraykanka oo Geneva ku kulmaya + rajada Ukraine ee la xidhiidha In Nabad la helo…Read More
Madax sare oo ka kala socota dalalka Maraykanka iyo Ukraine ayaa maalintii shalay ee khamiista kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland, halkaas oo la filayo in ay u gogol xaadhaan sidii loo furi lahaa wada hadal toos ah oo lagu gaadhi karo xal waara.
Kulankan ayaa ku soo aadaya wakhti ay dowlada Ruushku kordhisay duqaymaha ay ka fulinayso gudaha dalka Ukraine, gaar ahaan magaalooyinka Reer Ukraine. Sida uu barta X soo dhigay masuulka reer Ukraine ee Rustem Umerov oo hogaaminaya ergada wada hadalka la galaysa saraakiisha Maraykanka ah ayaa lagu sheegay in, ergada dhanka Maraykanka ay kamid yihiin, Steve Witkoff iyo Jared Kushner.
Dalka Maraykanka ayaa dadaalo aad u badan ku bixiyay sidii colaada ka taagan dalka Ukraine ee afar sano jirsatay loo soo afjari lahaa, is af garad iyo nabadna loogu soo dhamayni lahaa.
Sido xogo hoose ay sheegayaan, madaxda reer Ukraine ayaa aad u doonaya in kulanka danbe ay kulamo toos ahi dhex maraan Ukraine iyo Ruushka si ay labada dal uga wada hadlaan talaabooyinka xiga ee nabada la xidhiidha iyo waliba dib u dhiska dalalka iyo waliba in wada hadalkan diirada lagu saarayo sidii loo dajin lahaa qorshe togan oo dar dar galin kara sidii maalgashi loogu samayni lahaa dalka Ukraine isla markaasna la filayo in dib u soo celinta goobaha burburay ee dalka Ukraine iyagana dayac tir iyo dib u noo layn sidii loogu samayni lahaa.
Iyadoo madaxwaynaha Ukraine Zelenesky uu si wayn u doon doonayo la kulanka madaxwaynaha Ruushka mr Putin, hadana wada hadalada hada loo kala dab qaadayo ayaa la filayaa in ay qayb ka noqon doonto talaabo maxaabiista la isku dhaafsanayo.
Ku xidhnow: jigjiganews.com
Si aad u hesho warar sugan, sheekooyin iyo xiiso badan.


Leave a Reply