Nabsi miyaa helay mise jaceel ayaa haya, gabadha 3 jeer nin kii ay qiyaantay jacaylkiisa la bukootay…Readk

Nabsi miyaa helay mise jacayl gabadha 3 jeer nin jeceyl xad dhaaf ah u qabay khiyaantay…?   Qiso xiiso badan.

Gabadh Soomaaliyeed oo warbaahinta ka soo muuqatay maalmihii u danbeeyay ayaa waxay sheegtay in ay qadka internet-ka ka baratay nin ku nool dalka Mareykanka, xidhiidhkooduna uu socday wax ka yar hal sano.

Sanadkaas kadib, waxay ku heshiiyeen in ay is guursadaan, oo ay yagleeleen qoys cusub oo ku soo biira qoysaska dunida dusheeda maalinkasta laga taago.

Ninka ayaa la soo xirdhirldhay gabadha waalidkeeda, waxaana si rasmi ah loogu meheriyay gabadhii ay mudo khadka ka wada xidhiidhi jireen ee ay isjeclaadeen, kadibna waxaa arooskii iyo howlihii ku baxday lacag gaadhay $6,000.

Gabadhii waxa ay ninkii u sheegtay insan raali ka ahayn in ay la aqal gasho, isla markaana ay jiraan waxyaabo ku dhex nool oo diidaya ninka in ay laseexato, yacni qulub ayay isku riday, ama cudur daar aan jirin ayay u sheegtay ninkii qabay ee xalaasha u ahaa.

Ninkii waxa uu dalka ka laabtay isaga oo ka niyad jabsan reerka cusub ee uu dhisay ee hadana aan dhismin, farxadii arooskana ay kala dhantaashay isla marwadii uu jeclaa, balse wada hadal iyo isfaham dheer kadib waxay ku qancisay in uu Masar dago.

Markii uu Masar guri ka kireeyay, alaab u dhigay oo uu is lahaa dhaqma, ayay haddana diiday in ay la seexato shan maalin oo uu kaligiis ku ahaa guriga ayay gabi ahaanba diiday in ay qoys la noqoto saygeeda.

Ugu dambayn waxa uu ku laabtay dalkii uu ka yimid ee maraykanka, iyadana waxa uu kula taliyay inay dib ugu laabato Soomaaliya  oo ahayd halkii ay markii hore ka soo tagtay, si ay isku daawayso, ehelkeedana uga ag dhowaato oo ay u caawiyaan, isla markaana u raadiso xal caafimaad, gabadhii ayaana ku soo noqotay Soomaaliya oo taladii iyo go’aankii saygeeda qaadatay.

Sannad kadib, ninkii ayaa mar kale yimid Soomaaliya si uu ula kulmo, Markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha, ayuu wacay xaaskiisii, balse kama aysan qaban taleefoonka, oo way ku dhagaysatay, Taas baddalkeeda, waxaa ka qabatay hooyadeed, waxayna u sheegtay in gabadhii aysan joogin guriga, oo ay ka maqantahay.

Wuxuu qaatay go’aan iyada, qoyskeeda iyo cid kasta ka yaabiyay, waana sababta ay maanta u ilmaynayso oo ay u timid warbaahinta si ay qisadeeda ula wadaagto war baahinta.

Hadda, gabadhii waxay warbaahinta u sheegtay inay wali jeceshahay ninkeeda, isla markaana ay ka codsanayso inuu mar kale la soo xiriiro.

Maxay kula tahay adiga?

Ku xidhnow: jigjiganews.com si aad u hesho warar sugan sheekooyin xiiso badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*