Madaxwaynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa meel fagaare ah oo lagu soo bandhigayay Technologiyada ayuu wuxuu ka hadlayay ka sheegay in technologiyada ay tahay in umadaha dunida oo dhani ay ka faa’iidaystaan ee aysan ahayn in koox gaar ahi ay iyadu kaligeed dhaxal ahaan u haysato.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya wakhti dunida aynu ku noolnahay ay ku soo kordhayso isriix riixa dhanka ilbaxnimada iyo Technologiyada gaar ahaan xadaarada curinta arrimaha technologiyada oo haatan maraya meeshii abid ugu saraysay.
Madaxwayne Putin ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu dunida kale la wadaago ilbaxnimada dhanka Technologiyada ah ee laga helo dalka Ruushka, dalka Ruushka ayaa kamid ah dalalka dunida dhanka dayax gacmeedka iyo wax soo saarka hubka daran ugu horeeya, iyadoo dalka Ruushku uu kamid yahay dalalka yar ee dunida korkeeda ku yaala ee aan marna dal kale kula dhiiran karin dagaal, sida maraykanka iyo shiinaha ayaa kamid ah, quwadaha kale ee dunidan ka jira ee aysan cidna dagaal la hawaysan karin.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti todobaadkan duuliye hore oo Maraykan ah loo xidhay inuu xirfad duuliyenimo u gudbiyay isagoo taba baray ciidamada shiinaha, halkaas ay waaxda cadaalada ee Maraykanku xasbiga dhigtay duuliyahaas hore ee maraykanka ah.


Leave a Reply