Deg deg: Dagaal ayaa ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan…Read More

Deg deg: Dagaal ayaa ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afghanistan…Read More.

Wararka naga soo gaadhaya xuduuda ay wadaagaan dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa sheegaya in uu labadaas dal caawa dagaal ka dhex qarxay. Ciidamada Pakistan ayaa marar hore todobaadkan gudihiisa weeraro duqaymo ah ka fuliyay gudaha dalka Afghanistan.

Colaadan oo aan si rasmi ah loo ogayn waxa ay salka ku hayso ayaa ls eehagay in ay ka bilaabatay eedayn uu dalka Pakistan u jeediyay dalka Afghanistan, eedaas oo la xidhiidha in kooxo argagixiso ah oo ka soo duulimaad taga dhanka dalka Afghanistan ay u soo gudbaan gudaha dalka Pakistan halkaasna ka fuliyaan howlo amni darro.

Si kastaba ha ahaatee xaalada ayaan la saadaalin karin halka ay ku danbayni doonto, balse wakhti xaadirkan ayay wararku sheegayaan in uu socdo dagaal u dhexeeya Taliban iyo Pakistan oo ka socda xuduudaha Labada dal ah wadaagaan.

Si kastaba ha ahaatee Afghanistan ayaa sheegtay in ay weerarka iyadu qaaday caawa, iyagoo sababta ku sheegay in ay ka aarsanayaan duqaymo todobaadkii la soo dhaafay ay gudaha dalka Afghanistan ka gaysteen ciidamada cirka ee dalka Pakistan.

 

Wixii ka soo kordha la soco jigjiganews.com

Hoos ka daawo muuqaal xiiso badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*