Madaxwaynaha dowlad goboleedk puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa gurigiisa ku booqday madaxwaynihii jore ee Somalia, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa la sheegay in ay labada masuul wax iskaga waydiiyeen xaaladaha dalka Somalia iyo jawiga hada ka jira guud ahaan saaxada siyaasada ee dalka Somalia. Mudane Deni ayaa la sheegay in ay booqashada ku wehelinayeen masuuliyiin kale.
Madaxwayne Siciid Deni ayaa kamid ahaa Mucaaradkii shirarka kula qaadanayay masuuliyiinta dowlada Federalka Somalia oo dhowaan fashil ku soo dhamaaday, iyadoo wada hadalkaasi gabi ahaanba uu noqday mid la isku fahmi waayay.
Ku xidhnow jigjiganews.com si aad u hesho warar sugan oo xiiso badan.


Leave a Reply